“Marka Doorasho La Gaadhoba, Ma Inoo Muranbaa”!Qalinkii; Garyaqaan Muuse Yuusuf. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Marka Doorasho La Gaadhoba, Ma Inoo Muranbaa”!Qalinkii; Garyaqaan Muuse Yuusuf.
December 20, 2021 - Written by Editor:
Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/c/e/3/wajaalenews.net/httpd.www/wp-content/plugins/really-simple-facebook-twitter-share-buttons/really-simple-facebook-twitter-share-buttons.php on line 318

Markasta Oo la gaadho Mudo-Doorasho Waxa Caado Inaga noqotay in Lagu qaabilo Muran Sharci Iyo mid Siyaasadeed Oo Ka dhasha Hawlaha Doorasho ee shinkeedu buuxsamay, sababtuna Waxa weeye in Aan Marka xilka lala kala wareego Aan cida awooda haysa ee leh masuuliyada qabyo tirka Iyo unkida Wixii dhib iyo qabyo ahaa ee taagnaa markuu/markay xilka la wareegayeen ama ay doonayeenba taalay ,mid Sharci Iyo mid farsamoba lahayd. siday Tan Hada ee Xeer No 14  Iyo Doorashooyinka isku soo beegmay Iyo tan culus Oo ah TIRAKOOBKA Guud, Oo markasta Oo la gaadho Doorashooyinka Golayaasha Xeerdajinta Ah Caqabad sababta dib u dhacyo Doorasho Oo ay Uga muhiimsanayd Doorashooyinkii Golaha wakiilada Oo in badan u dabranaa Qodobka 12 ee xeerka Doorashada Golaha wakiilada Oo ah in la helo tirakoob Guud Oo Lagu qaybsado 82 kursi ee golahaasi Oo Laga soo doorto 6 Gobol, Dhankale xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golayaasha Deegaanada markasta Oo xiligooda la gaadho Waxa Lagu waajahaa wax Ka badal Iyo kaabis horle .

Walaw Hada Lagu soo uruuriyay Dhigane Buug ah Oo Dhamaan xeerarka Doorashooyinka Meel la Isugu geeyay Hadana wali way Jirtaa qabyadii xeer Doorasheedyadu Oo waxaaba hada aan Ansax Iyo Unkan la isku raacsan yahay Aan loo hayn Doorashada Ama Xulista Golaha Guurtida. Dhankale Waxa iyana Aan wali xal loo hayn goobo doorasheedyo Xayirnaa Dhamaan Doorashooyinkii aynu kasoo gudubnay Oo u baahan in ay helaan xaqooda Cod bixineed ee uu siiyay dastuurka Qaranka Iyo xeerarka Ka farcama ee la xishiidha arimaha Doorashooyinka .

Wasaarada Arimaha Gudaha Waxa waajib ku ah in ay samayso kala xadaynta Gobolada, Degmooyinka, Iyo Tuulooyinka Kuna samayso Qiimayn Rasmi ah Ka hor Doorashooyinka si loo helo Hanaan Leh habraac Lagu jaangooyo Goobaha codaynta Oo Marar kala duwan cabasho Ka timaado Marka la gaadho xili doorasheed, sidoo kale Waa in wasaarada Arimaha Guduhu go’aan Ka soo saarta Goobaha codaynta ee Lagu muransanyahay ee waqooyiga Hargeisa.

Waa in ay soo qiimaysaa Gobolada Iyo Degmooyinka lamagacaabay Iyo Kuwii horeba Sida uu dhigaayo dastuurka Qodobka 109 -110-111 AAD IYO XEERKA ISMAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA JSL. ( XEER LR. 23) Oo u Dhigane Aidan

QODOBKA 109AAD

QAAB-DHISMEEDKA DALKA

1.DaIka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka kooban yahay gobollo; gobol kastaana waxa uu u sii qaybsamaa degmooyin.

2.Dhismaha gobollada iyo degmooyinka, xuduudohooda iyo darajooyinkooda xeer baa tilmaamaya.

3.Wax-ka-beddelka tirada gobollada iyo degmooyinka ama xuduudahooda, iyada oo sababaysan waxa  soo jeedinaya Golaha Xukuumadda,  waxaana oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida.

QODOBKA 110AAD

MAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA.

1.Maamulka gobollada iyo degmooyinku waa qayb ka mid ah Maamulka Xakuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

2.Xidhiidka Xukuumadda-dhexe ee gobollada iyo degmooyinka waxa caddaynaya xeer gaar ah.

QODOBKA 111AAD

GOLAYAASHA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA.

1;Gobollada iyo degmooyinka dalku waxay yeelanayaan Golayaal sharci­-dejineed oo ku kooban xeer hoosaadyo (Bye-laws}aan ka hor imanayn xeerarka dalka udejisan iyo kuwa fulineed.

2;Tirada gole kasta oo gobol ama degmo shuruudaha laga doonayo xubinta gole gobol/degmo iyo nidaamka doorashada xeer ayaa tilmaamaya.

3;Guddoomlyaha degmadu, isagoo la tashaday wax garadka tuulada, waxa uu soo jeedinayaa guddida maamul ee tuullo, waxana ansixinaya Golaha Sharci dejinta ee degmada.

4;Golayaasha gobollada & degmooyinka waa inay noqdaan kuwa awood u leh qorshaynta dhaqaalahooda iyo arrimahooda bulshada.

5;Guddoomlyaha gobolka waxa soo magacaabaya Xukuumadda, waxaana uu uga wakill yahay Xukuumadda-dhexe gobolka iyo degmooyinka hoos yimaada.

6;Guddoomiyaha gobolku waa xidhiidhiyaha Xukuumadda-dhexe iyo degmooyinka gobolka, isagoo hoos imanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

7;Muddada xilka golayaasha gobollada iyo degmooyinka waa shan sano (5).

8.b) Gole gobol ama degmo waa la kala diri karaa isagoon muddadiisa dhammaysan.

( t)  Xaaladda ay ku iman karto iyo qaabka loo kala dirayo xeer ayaa tilmaamaya.

9.Xoghayaha gobolka ama degmada iyo madaxda waaxyaha ama laamaha Wasaaradaha ayaa xilka sii fulinaya iyagoo raacaya shuruucdoodii hore inta laga soo dooranayo gole cusub.

10.Golayaasha gobollada iyo degmooyinku waxay yeelanayaan xeer­hoosaadyadooda oo midaysan waxana gacan ka siinaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

QODOBKA 112AAD

BAAHINTA AWOODDA MAAMULKA

1;Maamulka adeegayada bulsho sida caafimaadka, waxbarashada ilaa heer dugsi hoose-dhexe, xannaanada xoolaha, nabadgelyada gudaha, biyaha, nalka, isgaadhsiinta iwm, waxa xilkoodu saaran yahay maamulada gobollada iyo degmooyinka hadba heerka ay hanan karaan.

2;KaIa-xadaynta awoodda maamul iyo cashuuraha ee Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka, xeerka xidhiidhka Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka ayaa caddeynaya.

3; Kala-xadaynta ku tilmaaman faqradda 1aad ee qodobkan, waa inay noqoto mid suurta-gelisa isku filnaansho gobollada iyo degmooyinku ka gaadhaan dhinacyada adeegyada bulsho.

XEERKA ISMAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA JSL. ( XEER LR. 23)

kaasi oo ah xeerka ay lagu dhaqaayo gobolada iyo degmooyinka sidoo kalena waxa uu xeerkani degmooyinka ku ilaalinayaa tayada degmooyinka isagoo dalacsiin iyo hoos u dhigisba ku samaynaya qiimaynta degmanimo kuwa jira iyo kuwa cusuba .

sida ku cad qodobadan .

QODOBKA 2AAD Qaab-DHismeedka Dalka

1.Qaab dhismeedka Dalka JSL wuxuu ka kooban yahay una qaybsamaa Gobolo iyo Degmooyin

2.Caasimada Dalka Jsl waa Hargeysa waxayna yeelan doontaa Xeer u gaar ah

3.Gobolkii hore loo odhan jiray Waqooyi galbeed wuxuu magaciisu isu bedelayaa (Maroodi- jeex)laga bilaabo ansixinta xeerka caasimadda.

QODOBKA 3aad SHURUUDAHA LAGU MAGACAABI KARO GOBOL AMA DEGMO

Shuruudaha (Criteria) lagu magcaabi karo Gobol ama Degmo waxa waajib ah inay ku salaysnaato buuxinta shuruudaha hoos ku qoran:-

1.Baaxada Dhulka ay ku fadhido.

2.Miisaanka iyo Baaxada Dadweynaha Deegaanka ku nool.

3.Wax soo saarkeeda iyo Khayraadkeeda Dabeeciga ah Ee ay leedahay.

4.Isku filaansho iyo hanashada Adeegyada Arrimaha Bulshada, waa in ay degmadu hanan kartaa boqolkiiba lixdan 60% miisaaniyadeeda ugu yaraan

Qodobka 7’aad XUDUUDAHA GOBOLADA IYO SOOHDIMAHA DEGMOOYINKA

Faqrada 5aad

Qiimeynta iyo kala xadaynta degmooyinka “D”,wasaaradda Arrimaha Guduhu waa in ay ku soo dhamaystirtaa muddo aan ka badnayn (laba iyo toban bilood)gudahood oo ka bilaabanta taariikhda dhaqan-galka Xeerkan,iyada oo loo raacayo shuruudaha ku cad qodobka 3aad ee Xeerkan.

Qodobka 8’aad QIIMAYN IYO DARAJO KA BEDELID DEGMO

Degmooyinku waxay ku mutaysan karaan darajo bedelid oo noqon karta dallacaad darajo ama hoos u dhigid darajo, ama waayis marka la qiimeeyo iyada oo laga duulaayo Qodobka 12aad Farqadiisa 1aad Ee Dastuurka iyo Qodobka 3aad Ee Xeerkan.

Xukuumadda waxa waajib ku ah inay dib u qiimayn ku samayso Darajooyinka Degmooyinka B iyo

C,muddo aan ka badnayn (12) Bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhaqangalka xeerkan, una soo gudbiso golaha barlamaanka si uu u ansixyo.

Qodobka 9’aad KALA XADEYNTA XUDUUDAHA GOBOLADA & SOOHDIMAHA DEGMOOYINKA

Kala xadeynta Xudduudaha Gobollada iyo Soohdimaha Degmooyinku waa xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyada oo kaashanaysa Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Qaranka ee qaabka farsamo u soo geli kara, waxana ogolaanaya Golaha Barlamaanka.

Qodobka 10’aad WAX KA BEDDILIDDA QAAB DHISMEEDKA DALKA

Wax ka bedelka tirada Gobollada iyo Degmooyinka ama xuduudahooda iyada oo sababaysan waxa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida sida ku qeexan Xubinta 2aad, Qodobka 109aad, Farqadiisa 3aad.

Qodobka 11’aad BAAHINTA AWOODDA ISMAAMULKA

1.Awoodda ismaamulku wuxuu ku ekaanayaa, heer Gobol iyo heer Degmo sida uu tilmaamayo Qodobka 112aad Ee Dastuurka JSL.

2.Degmo kasta waxa ku waajib ah inay suurtageliso hanashada adeegyo bulsho iyo dhaqaale oo xilkoodu saaranyahay; sida caafimaadka, waxbarashada ilaa heer dugsi hoose/dhexe, nabadgelyada gudaha, xanaanada xoolaha, biyaha, nalka, isgaadhsiinta, ilaalinta deegaanka iwm, hadba heerkay hanan karaan.

Marka ay sidan tahay sharciyan miyaanay ahayn iska fool-eri lagu doonayay in cod lagaga helo dadka degmadaas ku dhaqan

Hasayeesha maanta waxa lajooga xiligii sharciga u dajisan la waafajin lahaa degmooyinka somaliland ee la sharciyayn lahaa

Taas oo dawo u noqonaysa xanuunka bulshadii kusoo kordhay ee degmo raadiska ah , waxaan hubaa in ay yar tahay inta buuxinaysa degmonimoda hadii dib u qiimayn lagu sameeyo sida ku cad Qodobka 8aad ee xeerkan

Waxaan ku dhiiri galinayaa wasiirka   wasaarada Arimaha gudaha in uu ku dhiirado fulinta qodobada xeerkan si aynu u helno degmooyin sharci ah oo sugan, sida oo kalena uu horgeeyo baarlamaanka marka uu soo qiimeyo degmooyinka cusub iyo kuwa hore ee jira ee xeerku jidaynaayo in lagu sameeyo qiimay; iyadoo la raacayo xeerkan lagu maamulaayo gobolada iyo degmooyinka.

Qalinkii; Garyaqaan Muuse Yuusuf <garyaqaan2007@gmail.com>

Monday, 20 December 2021

COMMENTS
LINKS