Madaxwaynaha Jsl Oo Ciidamada Qalabka Sida Ka Tacsiyadeeyay 4 Askari Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Ciidamada Qalabka Sida Ka Tacsiyadeeyay 4 Askari Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi.
December 29, 2021 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 29/12/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:

1.K/L Cumar Cali Cabdilaahi

2.L/A/le Maxamed Ibraahim Carab

3.D/le Sidiiq Maxamed Siciid iyo

4.D/le Ayaanle Cabdi Yuusuf

Oo ku geeriyooday Shil gaadhi Shalay oo ay taariikhdu ahayd 28/12/2021, oo ka dhacay duleedka Degmada Yagoori oo ka tirsan Gobolka Sool.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiintaa ka tacsiyadaynayaa ciidanka booliska iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida ee Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Afartaa marxuum, waxaanu madaxweynuhu inta dhaawaca ah oo ka kooban Todoba Askari Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana ka siiyo dhaawaca ka soo gaadhay shilkaa gaadhiga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinta ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidanka booliska, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS