Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Shacabka Jsl Iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Xasan Mawliid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Shacabka Jsl Iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Xasan Mawliid.
January 5, 2022 - Written by Editor:

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, Garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Mawliid Axmed oo Hargeysa ku geeriyooday.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyay shakhsi ka mid ahaa haldoorka iyo odayaasha la qadariyo ee reer Somaliland islamarkaana ku suntana samatalisnimo iyo dad isku wad, sidoo kalena door weyn ku lahaa nabadda iyo wada jirka ummadda JSL, islamarkaana muddadii uu xilalka siyaasiga ah hayay si hufan oo hagar la’aan ah ugu adeegay bulshadiisa.

Guddoomiyuhu waxa uu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنا لله وإنا إليه راجعون

COMMENTS
LINKS