WAJAALE NEWS

π—›π—¨π—šπ—¨π—‘π—žπ—”,𝗛𝗔𝗬𝗕π—₯𝗔𝗔𝗖𝗔, 𝗛𝗒π—₯𝗬𝗔𝗔𝗖𝗔 π—œπ—¬π—’ π—›π—˜π—˜π—Ÿπ—’π—’π—¬π—œπ—‘π—žπ—” π—•π—˜π—˜π—‘π—§π—” π—”π—›π—œ, π—¦π—œπ—¬π—”π—”π—¦π—”π——π—” π—žπ—¨π— π—” π—Ÿπ—”π—›π—” π—₯𝗔𝗔𝗗 π—œπ—¬π—’ π—›π—”π—Ÿπ—•π—˜π—˜π—š π—¦π—›π—˜π—˜π—šπ—” π—ͺπ—”π—‘π—”π—”π—šπ—˜π—˜π—šπ—”!.

Siyaasadu waa qaabeeyaha nolosha qoys ilaa qaran marba heerka ay taagan tahay , waxaana u sal u ah oo ay qiimeynteedu tahay sidee looga sameeyey horumar iyo wax qabad marba meesha la joogo.

Kala hororsiga talada iyo hirdanka siyaasiyiinta axsaabta,Β  ururada siyaasada iyo aqoonyahanka kale ee ka ag dhow waa in uu ku iibsamaa barnaamij siyaasadeed iyo balanqaadyo run ka fadhiya waxii duruufi diido mooyaane .

Marka aynu haysano waayo aragnimo labaatankii sanadood ee ugu dambeeyay ee lagu jiray tartanka ururada siyaasada iyo axsaabta badan xaga iibinta aragti siyaasadeed iyo barnaamij horumarineed wax weyn lagama gaadhin.

Waxa uun dadkii fursadahaasi helay ay marayeen marba wadada ay la noqoto in ay wax ku helayaan , taasina waxa ay inaga lumisay yoolkii iyo ujeedkii aynu ka lahayn habka ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka ee tirada badan.

Haddaba waxa hubaal ah in aan hugunka , haybraaca , horyaaca iyo heelooyinka beenta ahi siyaasada uma aha halbeeg wanaageeda iyo xumaanteeda lagu qiyaaso ee halbeega saxda ahi waa qorshe qaran lagu hogaamiyo oo run ah .

Waxa la joogaa oo mudo koobani ka hadhsan tahay markii sadexaad ee la isku abaabulayey ururo siyaasadeed si loogaga qayb galo talada dalka , waxaa u hanqal taagaya dad badan oo reer Somaliland ah oo fursadani mudo badan sugayey oo ay u cuntami waayeen axsaabta qaranka ee hadda mudadoodu gabaabsiga tahay.

Dabcan marwalba waa lagu kala aragti iyo feker duwan yahay dhacdo maalmeedka siyaasadeed ee joogtada ah mana aha wax la dhibsado ee waxaa ka ratibna waayo aragnimo iyo aqoon dheeraada oo mustaqbalka danbe lagaga gudbo hadii ay yimaadaan.

Sanadkii dhamaaday waxa uu inoogu dhamaaday is faham siyaasadeed oo lagu qabtay waxii ugu muhiimsanaa oo ahaa doorashooyinkii isku sidkanaa ee wakiiladii 16 ka sanadood fadhiyey golaha iyo golihii deegaanka ee 8 sanadood fadhiyey lagu badelay.

Waxa kale oo jirey in caalamku indho togan oo aad sidii hore uga soo dhow in uu inagu soo eegayo , xili dalalka jaararka iyo dawladaha aynu dariska nahay aanay siyaasadoodu fadhiyin , qaarna ay ka socdaan dagaalo iyo colaado hor lehi.

Waxa aynu galnay sanad cusub oo qaranka laga filayo in ay rumoobaan riyooyin badan oo uu hiigsanayo sida aqoonsi caalamiya oo la helo , sidoo kale waxaa la filayaa in ay qabsoomaan sadex doorasho oo culus oo dalka iyo dadkaba muhiim u ah oo ilaa hadda aan lagu heshiin sida ay u kala horeyn doonaan , muruga ka yimid tafsiirkoogiina maxakamada dastuuriga ah ee dalka horyaallo.

Isku soo wada xoori oo darmo wadaagta siyaasadeed ee hadda ( sadexda xisbi ) iyo dadka tiradaΒ  badan ee raba in muwaadiniinta loo ilaaliyo xuquuqahooga dastuuriga ahi waxa ay ku dhamaan doonaan sida sharciga dalku dhigayo oo ah halka ugu sareysa ee waxa aynu dhiganay.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama β€œM. Dhimbiil”

Exit mobile version