Wakhtiyada Kala-Guurka Maxaa La Gudboon Madexwayne Biixi?W/Q; Maxamed Cabdi Cumar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wakhtiyada Kala-Guurka Maxaa La Gudboon Madexwayne Biixi?W/Q; Maxamed Cabdi Cumar.
January 7, 2022 - Written by Editor:

Madexwayne Adigoo huwan sumcada iyo karaamada Qaranka J. Somaliland, adigoo sidoo kalena kawar-qaba in mudo xileedkii lagu dooratey ay gebo-gebo ku ku dhawdahay oo aad u baahantahay in aad hortagto dadkii kursiga ku cumamaday, sida ay nafarayso sunaha nidaamka xorta ee dimuqraadiyadda aynu qaadey, si ay qiimeyn kugu sameeyaan in aad markale Qarankani hogaamin karto iyo inkale, taasi oo u baahan kalsooni umadeed iyo tartan xora oo xalaala iyo doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta, waa haddii aad diyaar u tahay in aad Madexwayne marlabaad kursiga u tartanto oo aad nasiibkaaga iyo kalsoonida tijaabinayso. Wakhtiyada kala guurka, wax an  halkani talo wayeelnimo.

kusoo gudbin lahaa adigoo Mujaahidiintii Qaranka usoo halgamey ka mida in aad ilaaliso quruxda iyo haybada qaran. Quruxda-dawladnimaduna waa isku dheelitirka Dhadhaarada/tiirarka kale ee qaranku leeyahay oo ay go’aamadoodu ku dhisnadaan Cadaalad aney cidi saameyn kulahayn ama gacan kurimis ahayn, Xisbiyada Qarankuna waa dhabada laga dheefo Dawlada Wanagsan oo dadwaynaha tabaalaysan u maraan cidii  Dantooda iyo Masayrkooda hanan-karta si ay u gaadhan Hankooda iyo Himilada ay Hiigsanayaan. Qarankastoo dumaa waxa kala Awood batay Masiirkii Umadda iyo Dantii Shakhsiga ahayd oo Hogaamiyahoodu Kala-Fahmi Kari wayay waxa laga dhaxlo dawladda wanaagsan.  Go’aamadadu Madexwayne, waa in ay noqdaan kuwo saameyn ku leh Nolosha Umadda Tabaleysan ee la tacalaysa Sixir-

bararka iyo Jahawareerka Siyaasadeed. Astaamaha Dawladda Wanaagsani lagu yaqaan waa ta dadkeeda iyo dalkeeda iskuhaysa oo u fikirta in ay xalisto

Dhibatooyinka bulshada ragaadiyey ee adeegyada Dawladnimo u baahan si dhamantood  u wado mahadiyaan. Sifooyinka Hogamiyaha wanaagsani waa isku haynta, dadkiisa iyo dalkiisa iyo horumarinta himilada dadkiisa ee uu gadhwadeenka u yahay oo uu usoo jiido guulo cusub oo uu kolba mid gardaadiyo. Balse, aaney noqonin Mid  Kala-qaybisa, Kala- fogeysa  oo mushkilada cusub u horseeda.

Wakhtiyada Kala-guurka waxa haboon in aad ku dhaqanto siyaasad fur-furan oo ku dhisan Cilmi Dawladnimo iyo Mabaadida Asaasiya sida ay in farayso diinteena iyo

dhaqankeena suuban oo ku dhisan Xilkasnimo, Masuuliyad, Sharciga oo Sareeya, Wado tashi, Isla-xisaabtan, Tayeynta Adeegyada Bulshada, Go’aamo loo dhanyahay si loo gaadho Danta Dalka iyo Dadka.

QALINKII; Mohamed Omer Abdi (Arsenal).

COMMENTS
LINKS