WAJAALE NEWS

Faraha Gacmaha Ayay Kala Goysey Quruuraddii Dawada Ee Uu Guriga Keenay Odaygeeda Kuuliga Ah Oo Hal Mar ama Laba Jeer Shaqo Hela Toddobaadkii!

Hooyadani wiilkeedii oo xanuusanaya ayay laba fur oo dawo ah waraabineysay, kadibna waxaa si keddis ah uga dhacday oo jabtey quruuraddii dawadu ku jirtay. Islaantu waxay gacmaha la boobtay dawadii daadatay, si ay ugu hooriso maddiibad ama jabcad jaandi ah oo ag taalay.

Hooyadan waxay ku miyirsatay, iyadoo jabkii quruuraddu kala gooyey labada farood ee suulka ku xiga, waxay si miyir qab ah u tidhi; “waxba igama gelin dhaawacan i gaadhey, mar haddii aan wiilkaygii Liibaan dawadii dhulka uga dhuray.” Sidaas ayay wiilkeedii qandheysnaa ku laacsiisey laba fur oo dawadan ah.

Aabbo daalan oo kadalooba docda Guri u eekahan ayaa  cumaamaddiisii jeexay oo dhiig joojin uga dhigaya xaaskiisa oo dhiiggu ka qubanayo, maskaxdiisu waxay dib u xusuusatay kadeedkii iyo kulaylkii ay lahayd shaqadii uu yoomkan ku helay,  kaas oo uu u qaybiyay qadadii maalintaas iyo kharashkii uu ku soo iibiyey dawadan daadatay.

Aabbahani waxa uu ka dheregsan yahay arxan-darida  goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, kuwaas oo wixii ay doonaan ku iibiya dawooyinkooda, sida quraaraddan intay kala jabtay dhaawac xun u gaysatay islaantiisii.

Odaygu wuxuu dareenkiisa ku sasabayaa rajo-weyn oo uu ka qabo in inantiisa Milgo oo uu la daalaa-dhacayo lacagta qaaliga ah ee waxbarashada dugsiyada gaarka loo leeyahay ay mar uun shaqo fiican ku heli doonto, si ay nolosha qoyska ula qaybsato.

Ugu dambeyntii, odeygii oo xaajiyaddiisa il kalgacal ku eegaya ayaa ku tiraabay; “Waar Allaah mahaddii ayaanu ku jirnaaye waxaa cabsi weyn nagu haya oo aanu aad uga baqaynaa fidmada iyo hadalada ummadda kala fogeynaya ee madax-dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta qaarkood Warbaahinta ka shubayaan.

Sharcigu waa in uu wax ka qabtaa ganacsatada qiimaha ay doonaan ku iibinaya badeecadaha ama maciishadda ay soo soo siisteen wax aad uga yar inta ay ku gadayaan,” ayuu odeygu ku hammiyayaa.

Qormadan waxay ina xusuusineysaa kala duwanaanshaha iyo iska war-hayn la’aanta dadkeena wada degan ama jaarka ah sida noloshoodu u kala fogtahay, iyadoo diinteena macaan ina fareyso haddii aan is ku naxariisano in Allaah koreeye inagana inoo naxariisan doono.

Odaygan golxoshka ah waxuu hadalkiisa ku soo afmeeray; ‘hadda kuwaa aan dhibkaa jira u tirinayaa waligood carruurahooda dawo dhulka ku daadatay gacmaha ugumay dhurin.’

Wa bilaahi towfiiq.

QALINKII; Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye

Exit mobile version