Maraykanka Oo Madaxda Soomaaliya Ugu Hanjabay Cunaqabatayn, Una Qabtay 45 Cisho +Tallaabo Uu Ka Qaadayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Madaxda Soomaaliya Ugu Hanjabay Cunaqabatayn, Una Qabtay 45 Cisho +Tallaabo Uu Ka Qaadayo!
January 12, 2022 - Written by Editor:

Washington(W,N)-Dowladda Maraykanka ayaa muujisay walaaca ay ka qabto in mar kale uu dib u dhac ku yimaado doorashada dalka Soomaaliya, gaar ahaan in aan la fulin heshiiskii la gaadhay 9-ka January 2022.

Bayaan ka soo baxay Waaxda arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa loogu baaqay madaxda Soomaaliya inay ka dhabeeyaan jadwalka u dambeeyay ee ay ku heshiiyeen.

Afhayeenka Wasaarada arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price, oo akhriyay bayaanka kasoo baxay Mareykanka ayaa digniin u diray dhinacyada ama Shaqsiyaadka daneynaya in ay lugaha ku dhegaan geedi socodka Soomaaliya.

“Mareykanku waxa uu si gaar ah u eegayaa go’aanka 9-kii January 2022 ee kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga qaran si loosoo gabagabeeyo Doorashooyinka wakhtigeedu dheeraaday, waxa aan ugu baaqeynaa dhammaan Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo kuwa Federaalka in ay ilaaliyaan waqtiga cusub ee lagu heshiiyay, isla markaana ay saxaan khaladaadka Habraaca” ayuu yidhi Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.

Afhayeenka Mareykanka ayaa si cad u sheegay in uu xayiraad socdaalka ah uu kusoo rogayo ciddii kahor timaada qorshaha u dambeeyay ee doorashada Soomaaliya.

“Doorashooyinka Soomaaliya sannad ayay dib u dhaceen xiligii loo qabtay, 8 Feberwery waxa ay ku beegan tahay hal sanno kaddib markii ay dhammaatay xil heynta Madaxweynaha, Mareykanka waxa uu qaadanayaa go’aamo ay suuragal tahay in xayiraad dhanka socdaalka si looga hortago dib u dhigis ama caqabad lagu sameeyo jadwalka Doorashada” ayuu sii raaciyay Ned Price.

COMMENTS
LINKS