Xaraaradda Siyaasadeed Ee Somaliland Oo Meel Xasaasiya Maraysa Iyo Jawaabaha La Isagga Hal Celinayo + Baaqyada Socda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaraaradda Siyaasadeed Ee Somaliland Oo Meel Xasaasiya Maraysa Iyo Jawaabaha La Isagga Hal Celinayo + Baaqyada Socda.
January 12, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Tan Iyo Bishii lasoo Dhaafay, ee Sanadkii hore Waxa Maalinba Maalinta Ka Dambaysa sii xoogaysnayey, Murran Siyaasi ah, oo u Dhexeeya Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, iyo Xukuumada talada haysa Ee Xisbiga Kulmiye, Ku Weheliyo, Kadib Markii La isku Maandhaafey, Xeerka Furista Ururada Siyaasada, oo la Dhaqdhaqaajiyay.

Haddaba Maalmihii u Dambeeyay, Waxaa Socdey hadalo, Ku Wajahan Xiisada ka Dhalatey, Murranka Siyaasiga ah ee u Dhexeeya Dhinacyada, Waxaana Ka hadley Dad Tira badan, oo Shacbi ah Iyo Madaxdhaqameed Kuwaasi oo kala Taageersan Mucaaridka iyo Xukuumada, iyadoo dhinac Waliba Dhinaca kale, uga Jawaabayo, Nuxurka Baaqa ay Jeediyeen, oo Hanjabaad iyo Tirtirsi ah, Geesta Mucaaridka Ka socotey, iyo Baaqyo Kale, oo Iyaguna  La safan Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye, taas oo ay inta badan Ka dhex Muuqdeen, Madax-Dhaqameed iyo odoyaal Mid Waliba Fariintiisa Ka Gudbiyay Warbaahinta.

Waxa kale, oo iyagunna Ka hadley, Marar kala Duwan, Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Xiligan Xirsi Cali Xaaji Xasan, inkastoo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu Ka hadley Muranka, Isagoo Jawaab Celin uga Dhigaya Hadalkii Cabdiraxmaan Cirro, Ee Soo Guryo noqashadiisa, uu Ku Sheegay, haddii Ururada Siyaasada La Furo in  Madaxweynayaal badan Uu Dalk Yeelanayo, oo ay Furan yihiin sidii uu u Dhigay, Hadalkiisa Markii Lagu Soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa Laakiin, Cabdiraxmaan Murashaxa Xisbiga Waddani tiraba Sadex jeer ayuu Fariintiisa Hanjabaada ah u Gudbiyay Madaxweynaha inta Lagu Guda jirey, Sanadkan Cusub ee Muranku Sii Xoogaystay.

Waxa Kale, oo Buuqu Ka dhashey Markii Xirsi Cali Xaaji Xasan Gudoomiyaha Waddani looga yeedhay, Xarunta C.I.D ee Hargeysa, iyo Shirarkii Waddani Burco kula yeelanayey, Qaar Kamid ah Shacabka oo gooni gooni Kulankoodu ahaa.

Hadaladan ay Isugu Jawaab celinayeen, Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani iyo Xukuumadu, Waxaa isna dhankiisa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, oo isna Dhinaciisa Marar badan meel adag iska istaagay arrinta furista  Ururada oo uu Ku Tilmaamay, in isaga ujeedo Looga Leeyahey Halka xubno katirsan xisbiga ucid ay dhankooda ka hadleen Yeedh madii C,I,D Ee gudoomiyaha xisbiga wadani xirsi cali xaaji Xasan oo ay ku tilmaameen mid sharciga dalka ka horjeeda in Gudoomiye xisbi looga yeedho xarunta danbi baadhista Halka Aanu gudoomiye faysal cali waraabe ka hadal arinta gudoomiye Xirsi loogaga yeedhay C,I,D,

Halka musharax Cabdiraxmaan ugu badheedhay, Xataa Qoraalkiisa u Dambeeyay ee Maanta.

“Muusow’ Ciidamadu waa kuwa amnigeenna suga, waa kuwa cadowga innaga ilaaliya, ha siyaasadeyn Ciidanka” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Sikasta, oo ay Tahey, Wali Waxa Laga Dareemayaa, in  Xaaladu Iska badeshay, Dhinaca Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo iyagu Xudun, u ahaa hubka Mucaaridku ugu hanjabayo Xukuumada, Kuwaas oo Xiisada Ururada Siyaasadu Mar Kale isweydaarisay, Mudanayaal Kulmiye Kasoo baxey iyo Kuwa Xisbiyada Mucaaridka Kasoo baxeyba, Waxa iyaguna Xusid Muddan Siyaasiyiin, Si Lama Filaan ah u Taageeray, Furista Ururada Siyaasada mana jirto, Guud ahaanba Asbaabo Loo Nisbayn karro, in dhinacyada Mid Waliba Kasoo Dabcayo, halka uu Cuskaday, Laakiin Waa Mid Loo Dhegtaagayo Geesta uu Murrankani isugu Biyo Shubto, iyo qaraarka ay maxkamada sare kazoo saarto arinta muranka dhalisay ee xeerka furista oo horyaala hada maxkamada sare ee jsl.

Waxaana iswaydiintu tahay maxaa laga filan karaa maxkamada sare? Xalse ma unoqon doonaa ga,aanka ay soo saarto muranka sharci ee uu dalku galay, kaasi oo ay ku wada qancaan dhinacyada murankani udhexeeyo?

WAJAALENEWS DESK’

HARGEISA OFFICE.

 

 

COMMENTS
LINKS