Qaarkamid Ah Cuqaasha Iyo Waxgaradka Beesha Subeer Awal Oo Ka Hadlay Muranka Ka Dhashay Xeerka Furista Ururada Iyo Mawqifkooda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaarkamid Ah Cuqaasha Iyo Waxgaradka Beesha Subeer Awal Oo Ka Hadlay Muranka Ka Dhashay Xeerka Furista Ururada Iyo Mawqifkooda!
January 13, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Qaarkamid ah cuqaasha iyo waxgaradka beelaha dega gobolada saaxil, maroodi jeex iyo gabiley ayaa ka hadlay muranka udhexeeya xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada ee ka dhashay xeerka furista ururada Iyo jawaabo kazoo yeedhay qaarkamid ah madaxda beesha garjis.

Sidoo kale waxgaradka Beesha subeer awal ayaa ku baaqay in nabada la ilaaliyo lagana war sugo wixii kaso baxa maxkamada sare.iyagoo tageeray in la furo ururada siyaasada.

Dhanka kale waxgaradkan ayaa taageeray madaxdhaqameed beesha garjis ee iyagu kazoo horjeeday gudida beelahaasi oo luuqad adag kula hadlay xukuumada madaxwaayne biixi.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS