DAAWO;-Shirkada Sahal Transport And Logistics Oo Daahfurtay Adeeg Casriga Ah Ee “Sahal Taxi” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Shirkada Sahal Transport And Logistics Oo Daahfurtay Adeeg Casriga Ah Ee “Sahal Taxi”
January 13, 2022 - Written by Editor:

“Waxaan Ka Markhaati Kacayaa In Shirkada Sahal Ay Halbeeg  Utahay Adeega Wanaagsan Ee Suuqa, Waana Shirkadii  Bilawday Nidaamka Gaadiidka  Casriga ah”Wasiir Cabdirasaaq Ataash,

HARGAYSA(W,N)-Shirkada Socdaalka gaadiidka iyo Qaadista Alaabooyinka ee Sahal Transport And Logistics ayaa daahfurtay Adeega casriga ee SAHAL TAXI kaasi oo ay bulshadu ka heli doonta adeegyo casri ah iyagoo gurigooga joogana ay dalban doonaan gaadiidka shirkada halka ay abaalmari muhiim ah helayaa macaamiishu.

Munaasibada lagu daahfuray Adeega SAHAL TAXI Oo Habeenkii xalay lagu qabtay magaalada hargaysa aya waxaa kazoo qaybgalay gudoomiyaha guud ee shirkada Sahal, wasiiro xukuumada katirsan iyo masuuliyiin kale duwan.

Ugu horayna waxaa faah faahin ka bixiyay adeega ay kusoo kordhiyeen Shirkada Ee Sahal Taxi Gudoomiyaha Shirkada Maxamed cali oo isagu sharaxay marxalidihii ay soo martay shirkadu iyo sida ay ula jaad qaaday technolajiyada Casriga.

Sidoo kale wasiirka gaadiidka iyo jidadka oo munasibada ka hadlay ayaa ka markhaati kacay in shirkada sahal tahay hormuudka shirkadaha gaadiidka ee ukala socdaala gobolada dalka ismarkaana ay tahayshirkadii ugu horaysay ee bilowday I gaadiidka lagu xidho GPS laga soconayo xawaaraha gaadiidka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS