Guddiga Bixiya Abaalmarinta Nabadda Ee Nobel Oo Digniin U Soo Diray Raysal-wasaare Abiy Ahmed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddiga Bixiya Abaalmarinta Nabadda Ee Nobel Oo Digniin U Soo Diray Raysal-wasaare Abiy Ahmed.
January 13, 2022 - Written by Editor:

NORWAY(W,N)-Guddiga billada Nobel-ka ee Dalka Norway ayaa Ku biiray codadka caalamiga ah ee ugu baaqaya ra’iisul Wasaaraha Itoobiya inuu soo afjaro dagaalka sokeeye ee 14-ka Bilood ka socday dalkaas.

Bayaan ay soo saareen Gudidani ayaa lagu sheegay in Abiy Axmed – oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel 2019 -ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay sidii loo soo afjari lahaa dhiigga daadanaya.

Hal sano uun ka dib markii uu ku helay abaal-marintan soo afjaridda dagaalkaa dheeraa ee dalkiisa kala dhexeeyey Eritrea, Mr Abiy waxa uu diray ciidamo la dagaalama falaagada waqooyiga gobolka Tigray.

Dagaalkaas ayaa malaayiin qof ku qasbay inay guryahooda ka baxaan. Dowladda ayaa lagu eedeeyaa in ay hor istaagto gargaarka bini aadantinnimada, waxaana marar badan soo baxay eedeymo ku saabsan gabood-fallo ay geysteen dhammaan dhinacyada qaybtaka ah dagaalkaas.

Afhayeenka Mr Abiy, Billene Seyoum ayaa horay u sheegay in abaalmarinta nabadda ee Nobel aysan ahayn “ma aha xakame ku qabanaya marka dalka la soo weeraro”

Baaqyada Guddiga ayaa la filayaa inay kordhiyaan cadaadiska lagu doonayo in xal nabadeed laga gaadho dagaalka.

Seddexdi sano uu talada dalka Itoobiya hayey Abiy Axmed waxaa qayba kala duwan ee dalka Itoobiya ka dhacay weerarro lala beegsaday dad shacab ah.

Ra’isal wasaaruhu mar uu ka hor hadlayey baarlamaanka wuxuu sheegay dagaalka Tigrey ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo TPLF ka sokow muddo laba sano ah iney gudaha dalka Itoobiya ay ka dhaceen 113 dagaal. Dagaalladaasi oo uu sheegay inay ka dhasheen khasaare naf iyo maalba leh.

“Toddobaad kasta dagaal ayaa dhacayey, dowladdana shaqadeeda waxay ahayd iney meel walba ku ooyso, aas walbana ay ka qayb gasho” ayuu yiri.

Isaga oo dagaalladaasi oo dhan u saariyey TPLF iney ka dambeeyeen. Inkasta oo uu ra’isal wasaaraha sidaasi yiri haddana xilligan oo ay awoodda TPLF aad u wiiqantay weli waxaa dalka Itoobiya ka dhaca weerarro lagu bartilmaameedsanaya shacab aan waxba galabsan.

Deegaanka Benishaangul Gumuz degmada Metekel Dibaate laba bilood ka hor waxaa lagu dilay 82 qof oo rayad ah, sida ay BBC u sheegeen dad goob joogayaal ahaa.

Bil ka hor weerarkasina Degmada Bulan ee deegaanka Benishaangul waxaa lagu dilay 207 oo rayad ah, ayuu yiri komishiinka xuquuqda aadanaha.

Tusaale ahaan seddexdi maalmood ee ka dambeysay dilkii loo geystay fannaankii weynaa Hachaaluu Hundheesaa 123 qof ayaa la dilay iyada oo dilka dadkaasi ay ka qayb qaateen laamaha ammaanka iyo dad rabshado sameynayey oo ka careysnaa dilka fannaanka loo geystay.

Deegaannada Amxaarada, Sidaama iyo Shucuubta Koonfureed waxaa ku dhintay dad aad u badan.

Intaa kaddibna muddadi uu Abiy xilka hayey waxaa dhacay dilalki loo geystay Saraakiisha ciidan iyo Madaxdi deegaanka Amxaarada.

Guud ahaanna dowladda Itoobiya seddexdi sano ee la soo dhaafay tallaabbada ay u qaadday nabadda iyo xasiloonida dhinacyo kala duwan waxaa uga imanaya cambaareyn xooggan.

COMMENTS
LINKS