Itoobiya Oo Dalbatay In Hay’adda WHO Baadhitaan Ku Sameyso Hab-dhaqanka Tedros, Kana Soo Horjeedo Inuu Mar labaad Isu Sharraxo Xilka Uu Hadda Hayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya Oo Dalbatay In Hay’adda WHO Baadhitaan Ku Sameyso Hab-dhaqanka Tedros, Kana Soo Horjeedo Inuu Mar labaad Isu Sharraxo Xilka Uu Hadda Hayo.
January 14, 2022 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Dowladda Itoobiya ayaa warqad u dirtey hay’adda caafimaadka Adduunka ee (WHO), iyadoo ku eedeysay aggaasimaheed guud, Tedros Adhenom Ghebreyesus inuu ku kacay “anshax xumo”, Kadib dhaleeceyn xooggan oo uu ujeediyey colaadda iyo Dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira gobolka Tigray.

Tedros ayaa afar sano kahor magaca Itoobiya ku helay xilka uu ka hayo WHO, laakiin waxa ay Addis Ababa sheegtay “inuusan Kasoo bixin daacadnimadii iyo filashadii xirfadeed ee loogga Baahnaa xafiiskiisa,” iyadoo dowladdu ay ku eedeysay inuu faro-gelin ku hayo arrimaha gudaha e Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Tedros uu faafiyey macluumaad khaldan, isagoo wax u dhimey “sumcadda, madax banaanida iyo kalsoonida lagu qabo hay’adda caafimaadka adduunka (WHO).”

WHO ma aysan bixin jawaab ku aaddan eedeynta loo jeediyay madaxa ugu sarreeya.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa Tedros oo u dhashay qowmiyadda Tigray ku eedeysay inuu yahay xubin firfircoon oo ka tirsan fallaagada TPLF ee dagaalka kula jirta ciidamada federaalka.

Itoobiya ayaa hadda doonaysa in hay’adda WHO ay baaritaan rasmi ah ku sameyso hab-dhaqanka Tedros, isla markaana aanay dooneyn inuu mar labaad isu sharraxo xilka uu hadda hayo.

Helitaanka taageerada

Guddiga ugu sareeya WHO ayaa todobaadka ugu dambeeya bishan shir ka yeelan doonaan musharraxinta doonaya xilka ugu muhiimsan hay’adda caafimaadka ee doorashadiisu dhici doonto bisha May.

Tedros ayaa u baahan taageerada xukuumadda Addis Ababa si uu mar labaad ugu guulayso xilka uu hadda haysto, inkastoo aysan qasab u ahayn. Wararka ayaa sheegayo inuu taageero ka haysto waddamada Rwanda, Kenya iyo Botswana.

Balse Itoobiya ayaa dooneysa inuu ka baxo tartanka, maadaama lagu eedeeyey inuu masraxyada caalamka geeyo qadiyadda jabhadda Tigreega, ee dagaalka kula jira dowladda Federaalka.

Iska fogeynta eedeymaha

Horraantii sanadkii 2021-ka, maamulka Itoobiya ayaa sheegay in Tedros uu isku dayey inuu u fidiyo taageero dhanka siyaasadda iyo hubkaba ah jabhadda TPLF, dhaq dhaqaaqaas oo qeyb ka ahaa isbaheysiga talada haya markii uu wasiirka ahaa, balse kolkii danbe ay xukuumadda hadda jirta ku dartey liiska kooxaha argagaxisada.

Kooxda TPLF ayaa illaa bishii November ee sanadkii 2020 dagaal kula jirtey ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka isbaheysiga ah ee gobolka Amxaarada.

Tedros ayaa beeniyey inuu la safan yahay TPLF, isagoo ku andacoodey in qoyskiisa ay ku wax yeelloobeen colaadda.

Dowladda Itoobiya ayaan illaa iyo haatan u muujin taageero buuxda murashax Tedros, laakiin waxey noqon doontaa arrin lala yaabo haddii ay isku dayaan iney minjo xaabiyaan murashaxa ka socda dalkooda.

Maalintii Khamiista dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inuu Tedros u dabaal dagey waxa uu ugu yeerey guulaha TPLF, isagoo sidoo kale ku tilmaamey xaaladda bani’aadanimo Itoobiya mid aad u xun.

Tedros ayaan wali ka jawaabin eedeynta loo soo jeediyey, balse waxa uu horey u beeniyey eedeymaha uga yimaada dowladda Itoobiya, isagoo qiray in qaraabaddiisa ay ku waxyeelloobeen dagaalka ka socda gobolka Tigreega.

Waa kuma Dr Tedros Adhanom?

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus waa 56 jir Itoobiyaanka ah oo tan iyo July 2017 hogaaminayay hay’adda caafimaadka adduunka. Waxa uu noqday Afrikaankii u horreeyay ee xilkaas loo doorto.

Waxa uu sanadkii 1965 ku dhashay magaalada Asmara oo xilligaa ka tirsaneyd dal-weynihii Itoobiya.

Dhakhtarkan ku takhasusay biology-ga iyo caafimaadka dadweynaha ayaa ah hal xaasle dhalay shan carruur ah.

Shaqooyinkii uu horay u soo qabtay waxaa ka mid ah in uu soo noqday wasiirkii hore ee caafimaadka ee Itoobiya waxaa kale oo uu wasiir ka soo noqday wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Soomaalida dhexdheeda, waxaa si weyn loogu xusuustaa in uu ka soo muuqan jiray fagaarayaasha siyaasadda Soomaaliya.

 

COMMENTS
LINKS