Shil Gaadhi Oo Caawa Fiidkii Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gabiley Iyo Khasaaraha Ka Dhashay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shil Gaadhi Oo Caawa Fiidkii Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gabiley Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
January 15, 2022 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Shil Gaadhi ayaa ka dhacay Caawa Fiidkii  duleedka bari ee magaalada  Gabiley, kaasi oo ay gurmad ufidiyeen Ciidanka Dab-demiska Magalada Gabiley iyagoo kazoo daad gureeyay  Dadkii ku dhaawacmay shilkan.

Labada gaadhi ee isku dhacay ayaa kala ahaa gaadhi Xaajiyad ah oo ay leedahay dawlada hoose ee Hargeysa iyo gaadhi Noah ah.

Waxaana shilkaasi ku dhaawacmay Todoba qof qaarkood qabaan dhaawac fudud kasoo gaadhay shilkaasi, waxaana ciidamadu dhaawacii gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada Gabiley.

Ma jirin dhimasho uu sababay shilkaasi, waxaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa qayb laxaad leh ka qaatay hawlwadeenada cisbitaalka Gabiley.

COMMENTS
LINKS