Madaxwaynaha Jsl Oo Gudoomiye Kuxigeenka Gudida Qandaraasyada Qaranka Umagacaabay Cabdicasiis Cagawayne. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Gudoomiye Kuxigeenka Gudida Qandaraasyada Qaranka Umagacaabay Cabdicasiis Cagawayne.
January 16, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-805/012022 uu ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan Arkay: Qodobka 18aad iyo Qodobka 21aad ee Xeerka Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 82/2018;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyay;

In Cabdicasiis Maxamed Xaashi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS
LINKS