Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Ka Dareen Celiyay Qaraar Ay Maxkamada Sare Kasoo Saartay Dacwad Laga Gudbiyay Xeerka Furista Ururada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Ka Dareen Celiyay Qaraar Ay Maxkamada Sare Kasoo Saartay Dacwad Laga Gudbiyay Xeerka Furista Ururada!
January 16, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga waddani xirsi cali xaaji xasan ayaa ka dareen celiyay qaraarka kazoo baxay maxkamada sare ee dacwadii ay ugudbiyeen xildhibaano golaha wakiilada ee xeerka furista ururada siyaasada oo dalka muran xoogan ka dhaliyay.

Gudoomiye xirsi ayaa qoraal uu kaga hadlayo g,aanka maxkamada ku baahiyay barta u ku leeyahay facebookga wuxuna udhignaa sidan;

Waxaan soo dhaweynayaa qaraarka Maxakamadda Dastuuriga ahi ay dib ugu celisay dacwaddii xildhibaannada. Taas oo sidii aannu horeba u sheegnay ahayd mid waddadeedii sharci laga duway. Waxaa kale oo aan waafaqsanahay dhaqangalka Xeer Lr 14/2011, kaas oo golihii hore soo saaray kuna saxeexanyahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Madaxweynihii hore ee JSL Axmed Maxamed Siilaanyo.

Nuxurka Qaraarka Maxakamadda:

  1. Dacwaddii 46ka xildhibaan way laashay.
  2. Waxay ayidday xeerkii dhaqangalka ahaa.

Waa Ilaahay mahaddii, waxaanan u arkaa in  Maxakamaddu ka joogsatay shirqoolkii laga soo abaabulay Madaxtooyada ee sharcidarrada ahaa. Mar kastana waxaannu diyaar u nahay in aannu u hoggaansanno Shuruucda dalka, Maxkamaddana waan ku bogaadinayaa in ay sharciga ilaaliso, shaqadeedana ku ekaato.

Waa guul, waxaanan leeyahy dhammaan taageerayaasha Waddani iyo guud ahaan bulshadda Somaliland: Sharcigaa inoo ballan ah.

Gudoomiyaha xisbiga wadani Xirsi  Cali xaaji Xasan.

 

COMMENTS
LINKS