Baarlamaanka Dalka Ingiriiska Oo Dood Ka Yeelanaya Qadiyada Aqoonsiga Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baarlamaanka Dalka Ingiriiska Oo Dood Ka Yeelanaya Qadiyada Aqoonsiga Somaliland!
January 16, 2022 - Written by Editor:

LONDON(W,N)-Baarlamaanka Ingiriiska Ayaa 18 bishan Dood ka yeelan doona ‘Aqoonsiga Somaliland’. Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka ayaa dooddan la xidhiidha Aqoonsiga Somaliland ka horjeedin doona Baarlamaanka UK.

Gavin Williamson ayaa horey usoo noqday Wasiirka Difaaca UK, isagoo wakhtigii uu Wasiirka ahaa socdaal ku yimid Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa soo dhaweysay arrintan, iyadoo sheegtay in ay la socoto doodda ku saabsan qadiyadda Somaliland ee Baarlamaanka UK ka dhici doonta.

Arinta Ay baarlamaanka dalka ingiriisku kaga doodayaan aqoonsiga somaliland ayaa imanaysa xili ay indhaha beesha caalamku siwayn ugu soo jeedaan kadib markii dhawaan Somaliland safar uu ku yimid wafti ka socda dalka maraykanka iyadoo maraykanka mudooyinka danbe siwayn udanaynayo xidhiidhka uu layeelanayo Somaliland iyo muhiimada ay uleedahay bogcada ay ku taalo juquraafi ahaan taasi oo ay dabada ka riixayso tartanka qaarada Africa ee dawlada shiinaha iyo wadamada reer galbeedku.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS