Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada Jsl Oo Gaadhay Caasimada Dalka Itoobiya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada Jsl Oo Gaadhay Caasimada Dalka Itoobiya!
January 16, 2022 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada Jamhuuriyada Somaliland Dr Ciise Kayd Oo ay Weheliyaaan Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdirasaaq ataash iyo ergayga aqoonsi raadinta Somaliland Marwo Adna Aadan ayaa caawa gaadhay caasimada dalka itoobiya ee Adis ababa halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay wakiilka Somaliland ufadhiya dalka itoobiya .

Ujeedada waftiga ka socda xukuumada somaliland ayaa ah sidii ay ugu sii gogol xaadhi lahaayeen Waftiga madaxwaynaha Somaliland oo dhawaan safar ugu baxaya dalka itoobiya kadib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay raysalwasaaraha itoobiya abiye ahmed.

Wakiilka Somaliland ufadhiya dalka itoobiya Amb cawad ayaa ka hadlay ujeedada waftigan oo uu ku qaabilay madaarka caasimada itoobiya

Amb cawad ayaa qoraal uu waftigan kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Caawa waxaan Bole international Airport ee Addis Ababa ku soo dhawaynay Wafti uu Hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga JSL Essa Kayd, wasiirka Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Abdirisak Ibrahim Iyo Wakiilka khaaska, Marwo Dr Adna Ismaciil. Waxay hordhac u yidhiin Safar uu Madaxwaynaha JSL Mudane Muse Biixi Cabdi uu ku iman doono Dalkan #Ethiopia Marti-qaad uu ka helay Raisal Wasaaraha Dalkan Ethoipia.

#Somaliland Somaliland In Ethiopia, Ministry of Foreign Affairs – Somaliland, Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland”.

Amb. Cawad safiirka Somaliland ee Ethopia.

COMMENTS
LINKS