“Qaraarka Maxkamadda Sare Ayaa Laga Fahmi Karaa, In Xildhibaanada Golaha Wakiilada Intooda Badan Ay Hayso Aqoon Darro Sharci Iyo Maamul” Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Qaraarka Maxkamadda Sare Ayaa Laga Fahmi Karaa, In Xildhibaanada Golaha Wakiilada Intooda Badan Ay Hayso Aqoon Darro Sharci Iyo Maamul” Siyaasi Cali Guray.
January 17, 2022 - Written by Editor:

Nin Ambaday Halkuu Aaday Way Ula Ekoonaatay!Cali Guray.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Guray oo falanqeeyay qaraarkii ay Maxkamada sare kazoo saartay xeer14 ayaa sheegay in qaraarka maxkamada sare daboolka ka qaaday aqoon darada sharci , maamul iyo fahan la,aanta shaqo ee haysata xildhibaanada golaha wakiilada badankood oo 46mudane dacwad xeerkana ugudbiyeen maxkamada sare kaasi oo ay laashay kadib markii sharciga waafiqi waayay,

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu kaga hadlayo qaararkan ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Runtii Anigu Maan jeclaysan go’aankii 46ka xildhibaan khilaafkii golahooda ay Maxkamadda Sare xal ugala doonteen. Waxan u arkayay niman deg degay oo aan xataa ka firsan ama garanayn waddada ay u marayaan dacwad dhiibashadooda.

Sida ay ku sababaysay maxkamaddu qaraarka ay ka gaadhay waxa ay ugu yeedhay dacwadoodii arji ay 46 xildhibaan u soo gudbiyeen iyo warqad uu ku saxiixnaa Gudoomiye Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladu toosna ugu socodsiiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.

Waxa mahad ilaahay ah sida saxa ah ee cadaaladda ee Maxkamadda Sare ku sababaysay qaraarkeeda ay ka gaadhay arintii Xildhibaanadu u gudbiyeen oo ay ku soo koobtay laba qodob oo keliya oo kala ah “Diidmo iyo Oodis” una dhignaa sidan:

Qaraarka Maxkamadda

Maxkamadda Sare Ee Dastuurka JSl:

1.Waxay diiday arjiga ay Maxkamadda u soo    gudbiyeen 46 Xildhibaan ee Golaha Wakiilada JSl iyo qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiye xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada JSl ee ku taariikhaysnaa 21/12/2021 ujeedadooduna ahayd codsi ku saabsan fasiraaadda qodobka 78 firqadiisa 3 iyo 77, fiqradihiisa 5aad iyo 6aad ee Dastuurka JSl ee la xidhiidha kaabista iyo wax-ka-bedelka xeerka nadaamka ururada iyo xisbiyada siyaasadda Xeer Lam 14 2021 iyada oo Maxkamadda Sare u aragtay in nuxur ahaan iyo xeer ahaan midna u waafaqsanayn nidaamka dacwad furashada dacwadaha dastuuriga

2.Waxay ooday galdacwadeedkan waxana la farayaa Kaaliyaha Sare ee Maxkamadda Sare ee dastuurka JSl in uu ka tirtiro galdacwadeedkan diiwaanka dacwadaha dastuuriga

Hadaba 46 xildhibaan waa tiradii badnayd ee Golaha Wakiilada hadii lagu qiimeeyo waddada qarda jeexa ah ee ay qaadeen maaha in ay haysay waayo aragnimo la’aan uuni balse qaraarka Maxkamadda Sare ayaa laga fahmi karaa in Xildhibaanada Golaha Wakiilada intooda badan ay hayso aqoon darro sharci iyo maamul. Waxa ka daran waxa ka muuqata intooda badan in aanay weli garan in ay yihiin gole qaran oo masuuliyadoodu ay tahay masuuliyad-wadareed. Hadii ay arintan cashar ka Bartaan dabcan mustaqbalka waxa ka muuqan isbedel oo ku deg degi maayaan arimaha xilkooda ah ee golahooda ay kaga doodi karaan aakhirkana cod ku kala bixi karaan in ay meelo kale ula kala kacaan.

Hadda ogaadana waxay u badan tahay in Xeer Lam.14 2021 uu mar kale hor iman doono golahan eh

Ilaahayna sida san ha waafajiyo

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS