Wasiirka Arimaha Africa Ee Dalka Ingiriiska Oo Ka Hadashay Dooda Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Aqoonsiga Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Africa Ee Dalka Ingiriiska Oo Ka Hadashay Dooda Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Aqoonsiga Somaliland
January 18, 2022 - Written by Editor:

UK(W,N)-Xildhibaan Vicky Ford Ahna Wasiirka Arrimaha Afrika ee Dalka  UK ayaa ka hadashay doodda Aqoonsiga Somaliland ee baarlamaanka ingiriiska Qoraal ay ku baahisay bogeeda twitterka wuxuna udhignaa Sidan;

“Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda. Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland,” ayay tidhi. Wasiirka arimaha Africa ahna xildhibaan katirsan baarlamaana Uk.

COMMENTS
LINKS