WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Raysal-wasaaraha Itoobiya Iyo Nuxurka Qoddobada Ay Kawada Hadleen!

ADIS ABABA(W,N)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo Waftiga uu Hogaaminayo, oo Ku Sugan Caasimada Adiss-ababa, ee Xarunta Dalka Itoobiya, oo uu Maanta ku Gaadhey Socdaal Kadib Martiqaad Rasmi ah, oo uu Ka helay Raysalwasaaraha, Dalkaasi Itoobiya.

Madaxweynaha iyo Waftigiisu Waxa ay  Caweyskii Caawa Kulan Gaar ah Wada Qaateen raysalwasaaraha itoobiya Abiye Ahmed, kaasi oo ay kaga Waxa Hadleen Arimo Door ah, oo Ku Saabsan Xidhiidhka u Dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Nuxurka qodobadda Kulankan, Gaarka ah ee ay Adissababa ku Wada Qaateen, Labada Dhinac, ayaa dabada ku haya Mid Waji Cusub, loogu Furayo Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, oo aan Shislayn Tan iyo Intii uu Taladda Dalka Itoobiya la Wareegay Raysalwasaare Aby Ahmed oo isagu, inta badan Dhinaca Saarey, Dawladda Federaalka Soomaaliya, ee uu Madaxweynaha u ahaa Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, taas oo Wax Weyni iska Badeleen Dagaalkii Itoobiya, ee u Dhexeeyay Dawladda Aby iyo Kooxdii Tplf Xiligaas, oo Aby iyo Xukuumadiisu, si toos ah u Dareemeen, Doorka Somaliland Ku Leedahey Mandaqada, Geeska iyo Darisnimada, Itoobiya.

Kulankan Adissababa ku Dhexmarey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Raysalwasaaraha Itoobiya, Aby Ahmed ayaa lagu Waddaa in uu Noqon doono Mid dhabaha u Xaadhey, Xidhiidhkii hore ugu Dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya, iyaddoo ay Wadahadalada Xiligan Qeyb ka Qaateen Wasiirka Maaliyadda, Dalka Itoobiya Axmed Shide, iyo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamuud Cumar, oo labaduba Saaxiib Dhaw la ah Somaliland, Indoor ahna Ka Shaqeeyay Xidhiidhka labada Dhinac iyo Isbadelka Siyaasadeed ee Geeska

Exit mobile version