Shil Gaadhi Caawa Fiidkii Ka Dhacay Deegaanka Carayaambo Ee Gobolka Gabiley Oo Sobobay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Ah! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shil Gaadhi Caawa Fiidkii Ka Dhacay Deegaanka Carayaambo Ee Gobolka Gabiley Oo Sobobay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Ah!
January 20, 2022 - Written by Editor:

ARABSIYO(W,N)-Shil gaadhi Oo Caawa Fiidkii ka dhacay Deegaanka Carayaambo Ee Gobolka Gabiley Kadib markii ay Isku dhaceen laba gaadhi oo kala ah  gaadhi booyad ah iyo gaadhi nooca yar yar ah ee loo yaqaano “ONE TEN” Mark ayaa sababay khasaaraha hal qof oo dhimasho ah iyo dhaawac kale oo aan la xaqiijin tiradooda.

Qaarkamid ah dadkii goob jooga ahaa markii uu dhacay shilkani ayaa xaqiijiyay geerida hal ka qof iyadoo dhaawaciina loo qaaday cisbitaalka Magaalada arabsiyo oo lagu dabiibayo xaaladoodo cafimaad.

WAJAALENEWS DESK

ARABSIYO OFFICE.

COMMENTS
LINKS