“Musharixiinta Xisbiyada Ee Kursigu Umuuqdo, Midwalba Xeerka Iyo Go,aanka Maxkamada Wuxuu Ufasiranayaa, Sida Uu Jecelyahay”Siyaasi Cabdirashiid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Musharixiinta Xisbiyada Ee Kursigu Umuuqdo, Midwalba Xeerka Iyo Go,aanka Maxkamada Wuxuu Ufasiranayaa, Sida Uu Jecelyahay”Siyaasi Cabdirashiid
January 20, 2022 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Siyaasi Aqoonyahan cabdirashiid xasan mataan oo kamid ah Siyaasiyiinta reer somaliland ayaa ka hadlay xeer furista Ururada oo uu sheegay in uu yahay mid beesha dhexe kooto Uga dhigaya siyaasada somaliland.

Sidoo kale siyaasi cabdirashiid ayaa sheegay in qaraarka Maxkamada sare kasoo baxay ee xeerka furista ururada ay xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadu midwalba siduu doonayo bulshada ugu tafsiirayo balse murankiisu wali halkii uun uu yahay

Dhanka kale siyaasi cabdirashiid ayaa xildhibaanada golaha wakiilada oo uu xeerkani kusoo noqonayo ugu baaqay in sameeyaan xeer shacabka somaliland uwada dan ah sifiicana uga baaran dagaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS