Wasiirka Arimaha Dibada Jsl Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Qodobada Ay ka Wada Hadleen Madaxwayne Biixi Iyo Raysal-wasaare Abiy Ahmed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibada Jsl Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Qodobada Ay ka Wada Hadleen Madaxwayne Biixi Iyo Raysal-wasaare Abiy Ahmed.
January 20, 2022 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Ethiopia, ayaa Shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha Ethiopia, ayaa kasoo degay gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka, salaadiin, siyaasiyiin iyo xubno xukuumadda ka tirsan.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo Shalay mar kale ka hadlay waxyaabihii ay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya oo habeen hore kulan ku yeeshay Magaalada Addis Ababa.

Wasiirka oo u warramay Laata Afka Soomaaliga ee Idaacadda  VOA, ayaa yidhi “Ujeeddadu waxay ahayd uun kulan caadiya oo ay kaga wada hadlayeen danaha labada dal, sida Dekedda Berbera, deeqaha waxbarasho, iyo iskaashiga labada waddan oo waxaa naga dhexeeya baayac mushtar aad u wayn, isku socodka labada dal iyo in nabadgalyada la sugo”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay haddii labada hoggaamiye isla soo qaadeen arrimaha Soomaaliya, ayaa ku jawaabay in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uun ay ka wada hadleen “Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayuun baa laga wada hadlay, runtii Soomaliya meel ay kaga jirtay may jirin..”

 

COMMENTS
LINKS