Ciidanka Dab Damista Oo Ku Guulaystay Daminta Dab Ka kacay Gaadhi Yaalay Kaalinta Rashiid Jirde Ee Magaalada Wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab Damista Oo Ku Guulaystay Daminta Dab Ka kacay Gaadhi Yaalay Kaalinta Rashiid Jirde Ee Magaalada Wajaale.
January 21, 2022 - Written by Editor:

WAJAALE(W,N)- Gaadhi Dhayne ah oo yaalay Kaalinta Rashiid Jirde oo dab qabsaday, waxaana goobtaas si degdeg ah gurmad ugu fidiyay Ciidanka Dab-demiska magaalada Wajaale.

Ciidanka Dab-demiska ayaa ku guuleystay daminta dabkaas gaadhiga qabsaday, waxaana sidoo kale ciidanku dabkaa ka xakameeyeen kaalinta shidaalka iyo Shan gaadhi oo yaalay baarkinka kaalinta.

Ma jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac oo dabkaasi sababay, sababtana dabkaa dhalisayna waxaa ku socota baadhis.

Ciidanka Dab-demiska Somaliland wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in markastaba ka taxadaraan in gaadiidka ay dhigaan kaalmaha shidaalka.

COMMENTS
LINKS