Dawlada Kenya Oo Markii Uhoraysay Ka Hadashay Mawqifkeeda Aqoonsiga Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Kenya Oo Markii Uhoraysay Ka Hadashay Mawqifkeeda Aqoonsiga Somaliland!
January 21, 2022 - Written by Editor:

NIORABI(W,N)-Dowladda Kenya Ayaa Markii Ugu horreysay ka hadashay Arrinta Aqoonsiga Somaliland, kaddib dooddii baarlamaanka UK ay dhowaan ka yeesheen arrintaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan.

Dhanka kale wasiirka Arimaha Dibada Dalka Kenya Omamo ayaa ka hadashay xiisadda Itoobiya. Waxayna sheegtay in Kenya aysan illaawin Itoobiya, oo ay sii wadi doonto inay si hoose ula xaajooto, una adeegsato diblomaasiyad jilicsan si loo soo afjaro xiisadda ka taagan dalka deriskeeda ah.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres uu BBC-da u sheegay in xaaladda Itoobiya ay beesha caalamka ku adkaatay inay xalliyaan, iyadoo xukuumadda Addis Ababa ay si joogto ah uga dhega adeygtay waxa uu ugu yeeray farogelinta shisheeye.

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkan gudhiisa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.kadib markii uu horgeeyay Xildhibaan Gavin Williamson doodad  aqoonsiga Somaliland geeyay baarlamaanka Uk.

Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaannada iska taageen qaddiyadda Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhibaannada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka hor keenay mooshinka ka doodidda aqoonsiga Soomliland.

Gavin ayaa waxaa uu baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda, isaga oo arrimo badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland.

Bishii December ee sanadkii 2020 ayay ahayd markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Muuse Biixi ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo sheegay inay ka wada hadleen danaha ay wadaagaan.

 

COMMENTS
LINKS