Xuuumada Somaliland Oo Madaar Cigaal Kula Wareegtay Shixnad Buug Uu Qoray Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Dalka Dibadiisa Lagu Soo Daabacay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xuuumada Somaliland Oo Madaar Cigaal Kula Wareegtay Shixnad Buug Uu Qoray Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Dalka Dibadiisa Lagu Soo Daabacay.
January 21, 2022 - Written by Editor:

“Habeenkii shirkadda Hiil Press Igu Wargalisay In Buuggii Ciidanka Boolisku Haysto Waxa Ay Ahayd Sabtidii Hore”Abwaan Cabdiraxmaan Abees.

HARGAYSA(W,N)-Ciidanka Booliska Somaliland Ayaa dhawaan Madaarka caasimada hargaysa kula wareegay shixnad buug Uu Qoray Abwaan cabdiraxmaan Ibraahim Abees oo Shirkada Daabacaadiisa qaadatay ee hiil Presss Ay kusoo Daabacday Dalka masar taasi oo laga dajiyay madaarka caasimada hagaysa 12bishan iyadoo  lasoo saaray diyaarada Itoobiyaan Airlines Halkaasi oo ciidamada xukuumada ka socdaan kula wareegeen Madaarka Cigaal International Airport.

Sidoo kale xukuumada Somaliland iyo laamaha amaanka ayaa wali wax faah faahin ah ka bixinin sobobta ay buugan uu qoray cabdiraxman abees ay ugula wareegtay sifo baalmarsan sharciga iyo xeerararka kastamada Somaliland oo ah in kastamka gacanta ku hayo inta la cadaynayo waxa xukuumadu qoonsatay ee ay ku jira buugan, iyadoo kasoo qaaday madaarka kastamka oo sida wararka laga helayo shixnada buuga uu qoray abwaanku la geeyay xarunta dambi baadhista ee magaalada hargaysa ee C,I,Dda,

Mudada ay xukuumada gacanta ku hayso buuga uu qoray abwaan cabdiraxmaan abees ee “Mayal” ayaa hada maraysa 7cisho iyadoo ilaa mudadaasi wax war ah kazoo saaray ujeedada ay uxanibtay buugan.

Habada Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Abees Ayaa Qoraal Uu kaga hadlayo  buuga uu qoray ee xukuumadu ku xidhay madaarka cigaal markii laga soo dajiyay ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxu udhignaa Sidan;

“Waxa jira dad aad u badan oo aan jeclaysan buugga Mayal ee xukuumadda Madaxweyne Biixi u xidhan. Kuwaas oo aan uga mahadcelinaayo sida ay uga falceliyeen dhammaantoodba. Maaddaama su’aalaha mid mid uga jawaabi karin, waxa ay ila noqotay in aan mar qudha haddana wixii ku cusub hawshii buugga aan halkan idin kula wadaago.

Wada hadal iyo dhexdhexaadin ay wadeen dad ergo ahaa oo doonayay in buugga Mayal ay xukuumaddu fasaxdo waxa ay u soo eeg tahay mid aan wax midho dhal ah iyo rejo weyn lahayn oo weyd ah, wallow ay wali jiraan ergo ku maqani, waa Se eegayna halka arrinkaasi Ilaa labadan cisho ee soo socda uu Cago dhigto IshaAllaah.

Habeenkii shirkadda Hiil Press igu wargalisay in buuggii Ciidanka boolisku haysto waxa ay ahayd sabtidii hore. Waxa Aannu hadda agaasimaha Hiil Press Cabdilladiif Geelle isla Garannay in haddii ilaa sabtida (saadanbe) gelinka hore aan Buugga Mayal loogu soo dayn uu ummadda kala hadlo Saxaafadda, si faahfaahsana uu ugu xogwarramo.

Kadib ayaa aan aniguna haddii Rabbi yidhaahdo aan saxaafadda kala hadli doona shacabkayga gobta ah, oo aan la Wadaagi qorshayga qarsoon. Waxa aanan ugu bushaaraynaya Bahda balaadhan ee dareenka, garashada iyo aragtidu na Midayso in si uun buugga Mayal u soo gaadhi doono Haddaanan dhiman sida ugu dhakhsaha badan haddii Guulle idmo. Ayuu yidhi abwaan cabdiraxmaan Abees.

COMMENTS
LINKS