Xukuumada Somaliland Oo Shacabka Caasimada Hargaysa Ugu Baaqay In Ay Maalinta Bari Ah Iskugu Soo Baxaan Banaan Bax Lagu Taageerayo Doodii Baarlamaanka Ingiriiska Ee Aqoonsiga Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Shacabka Caasimada Hargaysa Ugu Baaqay In Ay Maalinta Bari Ah Iskugu Soo Baxaan Banaan Bax Lagu Taageerayo Doodii Baarlamaanka Ingiriiska Ee Aqoonsiga Somaliland!
January 21, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Warfaafinta jamhuuriyada Somaliland ayaa shacabka reer Somaliland gaar ahaan kuwo Caasimada ugu baaqday in Ay maalinta Bari ah  isugu soo Baxaan banaan bax lagu taageerayo doodii xildhibaanada baarlamaanka dalka ingiriiska ee aqoonsiga Somaliland kaasi oo lagu qaban doono beerta xoriyada ee magaalada hargaysa.

Wasiirka warfaafinta Somaliland saleebaan cali koore ayaa shacabka ka codsatay in ay isku soo bax wayn ku muujiyaan taageeradooda qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo taageero loo muuujiyo baarlamaanka dalka uk oo iyagu si qotodheer uga dooday in sidii loo aqoonsan lahaa jamhuuriyada Somaliland oo iyagu buuxisay shuruudihii looga baahnaan ay muhiim tahay in la aqoonsado.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS