𝙒𝘼𝙍𝙌𝘼𝘿𝙄𝙄 𝙏𝘼𝙇𝙊 𝙌𝘼𝙍𝘼𝙉 𝙄𝙔𝙊 𝙏𝘼𝘽𝘼𝙉-𝙏𝘼𝘼𝘽𝙊 𝘿𝙊𝙊𝙍𝘼𝙎𝙃𝙊!𝘽𝙮:𝙈𝙤𝙝𝙖𝙢𝙚𝙙 𝘿𝙝𝙞𝙢𝙗𝙞𝙞𝙡. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
𝙒𝘼𝙍𝙌𝘼𝘿𝙄𝙄 𝙏𝘼𝙇𝙊 𝙌𝘼𝙍𝘼𝙉 𝙄𝙔𝙊 𝙏𝘼𝘽𝘼𝙉-𝙏𝘼𝘼𝘽𝙊 𝘿𝙊𝙊𝙍𝘼𝙎𝙃𝙊!𝘽𝙮:𝙈𝙤𝙝𝙖𝙢𝙚𝙙 𝘿𝙝𝙞𝙢𝙗𝙞𝙞𝙡.
February 11, 2022 - Written by Editor:

𝙇𝙞𝙭 𝙦𝙤𝙙𝙤𝙗 𝙤𝙤 𝙖𝙖𝙣𝙖𝙮 𝙛𝙪𝙧𝙖𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖 𝙪𝙧𝙪𝙧𝙖𝙙𝙖 𝙨𝙞𝙮𝙖𝙖𝙨𝙖𝙙𝙪 𝙢𝙚𝙚𝙨𝙝𝙖 𝙪𝙜𝙖 𝙗𝙞𝙭𝙞 𝙠𝙖𝙧𝙞𝙣 𝙭𝙞𝙡𝙞𝙜𝙖𝙣𝙞;

Dad baa is leh tartanka ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka Meesha waa laga saari karaa una arka in doonista Madaxweynaha ay yihiin ama la rabo in cid lagu duro laakiin waxaanay ogeyn;

1;In furashada ururada siyaasadu tahay xuquuq dastuuri ah oo uu waajibiyey dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 23naad faqradiisa 3aad , oo uu ka dheegmay xeerka tartanka ururada iyo axsaabta siyaasada ee xeer lr-14/2011.

2;Waxa ay ka mid yihiin xuquuqaha aasaasiga ah ee Muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland leeyihiin in loo Ilaaliyaana waa waajibaad dastuuri ah oo saaran madaxweynaha, maxkamada dastuuriga ah , golaleyaasha xeer dejinta iyo hay’ad walba oo qaran oo ku shaqo leh.

3;Waxa tafsiir sharci ku ogolaatay maxkamada dastuuriga ah ee dalka oo ah hay’ada ugu sareysa in tafsiir sharci ka sameyso waxii mad-madaw ( ambiguity) galo , waxaana ay waliba mudnaanta siisay arjigii muwaadiniinta iyaga oo yaqiinsan xuquuqda iyo mudnaanta ay leeyihiin , iyo qaybta loo yaqaan ( Bill of rights ) ee dastuurka dalka ku taalaa mudnaanta iyo muhiimada ay leedahay, qaraarka ay soo saartay in la raacaanaa waa sharci.

4;Waxa ay ka mid tahay waxyaabaha mudnaanta iyo wanaaga aynu kaga mutaysanayno aduunka ee la inoogu soo joogsanayoba waayo dawladaha Inaga caawiya doorashooyinku waa dawlado sharcigooda ku adag ilaaliyana xoriyada iyo xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniintooda , qabashada doorashadaasi waxa ay qaranka u keeni doontaa sumcad weyn .

5;Madaxweynaha talada haya waxa baal-dahab ah ugu qormi doonta taariikh,  sidoo loogu amaanay ku dhiirashadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee wakiilada iyo deegaanka si ka qiimo sareysa ayaa loo xusi doonaa , sababta oo ah isaga iyo labada murashax ee kale ee la tartami lahaa in ay kooto daneed xidhaan waxa uu ka door bidey in uu ilaaliyo xuquuqaha dastuuriga ah ee leeyihiin 5milyan ee qof ee reer Somaliland oo ah waajibaad saaran , waxa aan ku kalsoonahay in uu xataa hadii la yidhaahdo lacag looma hayo uu ku dhiiran doono in lacagta iyo dakhliga dalka ku qabto si kasta oo ay u adag tahayba mudnaanta ay leedahay iyo baahi la inagu maamulo oo aynu cid kale ula tagno isaga oo ka ordaya.

6;Dadka reer Somaliland oo fursadani sugayey toban sanadood Isla markaana u arka fursad dahabi oo ay sugayeen oo ilaashanaya kuna qamaamsan in ay ururo siyaasadeed isku habeeyaan wallow uu tartanka ururadu sidii hore ka adag yahay haddana waa loo talo iyo tamarba badsanayaa si loo helo axsaab siyaasadeed oo aad uga duwan kuwa maantu sidii ay u iman lahaayeen .

𝙎𝙤𝙤 𝙟𝙚𝙚𝙙𝙞𝙣; 𝙢𝙪𝙬𝙖𝙖𝙙𝙞𝙣𝙞𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙞𝙨𝙠𝙪 A𝙗𝙖𝙖𝙗𝙪𝙡𝙖𝙮𝙖 𝙪𝙧𝙪𝙧𝙖𝙙𝙖 𝙨𝙞𝙮𝙖𝙖𝙨𝙖𝙙𝙖 𝙢𝙖𝙧𝙠𝙞𝙞 𝙨𝙖𝙙𝙚𝙭𝙖𝙖𝙙 𝙚𝙚 𝙩𝙖𝙖𝙧𝙞𝙞𝙠𝙝𝙙𝙖 𝙎𝙤𝙢𝙖𝙡𝙞𝙡𝙖𝙣𝙙;

Waxa aynu sugaynay mudo dheer fursadani , waxaana ay ka mid tahay jaanisyadii siyaasiga ahaa ee jamhuuriyada Somaliland 31 sanadood oo ay jirtay ugu qiimaha badnaa , waxaa jira axsaab siyaasadeed oo aan u arkeyn dantooda oo bulshada caalamka iyo dadkaba u sheegaya in ururada siyaasadu xiligani yihiin dano siyaasadeed oo cid lagu durayo.

Haddaba si taasi meesha uga baxdo gudiga diwaangalinta ururada siyaasadeed iyo axsaabta qarankana hore loo ansixiyo si aan wakhti u lumin waa in ururada intii diyaar garowday ay shaaciyaan oo umada tusaan diyaar garowgooga , si axsaabtuna tartanka ururada niyada ugu sii dayso oo ay u diyaar garoobaan.

𝙂𝙪𝙙𝙞𝙜𝙖 𝙙𝙞𝙬𝙖𝙖𝙣𝙜𝙖𝙡𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙪𝙧𝙪𝙧𝙖𝙙𝙖 𝙨𝙞𝙮𝙖𝙖𝙨𝙖𝙙𝙚𝙚𝙙 𝙞𝙮𝙤 𝙖𝙭𝙨𝙖𝙖𝙗𝙩𝙖 𝙦𝙖𝙧𝙖𝙣𝙠𝙖 , 𝙞𝙮𝙤 𝙠𝙤𝙢𝙞𝙨𝙝𝙖𝙣𝙠𝙖 𝙙𝙤𝙤𝙧𝙖𝙨𝙝𝙤𝙤𝙮𝙞𝙣𝙠𝙖 𝙦𝙖𝙧𝙖𝙣𝙠𝙖.

Labadani hayadood waxa ay leeyihiin farsamada doorashadu u dhacayso,  habka loo kala reebayo iyo shuruudaha la marinayo iyo shahaado siinta inta noqota ururo kumeelgaadh ah oo shuruudaha buuxisa waxa leh gudiga diwaangalinta ururada siyaasadeed iyo axsaabta qaranka,  waana in ay hawlaha sida ugu dhakhsaha badan u bilaabaan.

Komishanka doorashooyinka qaranka waxa uu leeyahay oo laga rabaa in uu madaxweynaha u soo gudbiyo jadwalkii doorashooyinka ( elections schedule ) mudada uu qaadanayo , in uu wakhtigu ku filan yahay oo xiliga la filayo doorashooyinka qaar wakhti ka horeeyaba ay diyaarin karaan iyo in doorashooyinka qaar mudo kordhin Kooban lagu sameeyo oo la iswaafajiyo sida ugu macquulsan ee ay u dhici karaan.

𝗦𝗮𝗱𝗲𝘅𝗱𝗶𝗶 𝘅𝗶𝘀𝗯𝗶 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝟮𝟬𝟭𝟮 𝗶𝗹𝗮𝗮 𝟮𝟬𝟮𝟮 𝗼𝗼 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻𝗮 𝗾𝗮𝘆𝗯 𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗱𝗮𝗻𝗲𝗲𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 ( 𝗣𝗮𝗿𝘁 𝗼𝗳 𝗲𝗹𝗲𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀  𝘀𝘁𝗮𝗸𝗲𝗵𝗼𝗹𝗱𝗲𝗿𝘀)

Xisbiyada qaranka jamhuuriyada ee hadda jira oo sadex ah waxa haboon in ay ka fekeraan in wakhti ku socdo doorashooyinkiina fooda inagu soo hayaan laakiin doonistoodu aanay sharci aheyn ee waxa shuruucda iyo dastuurka dhigayo uu sharci yahay.

Haddaba si aan doorashana xiligeeda dib uga dhicin waa in ay garab galaan wado kasta oo lagu suuragalinayo doorashooyinka soo socda,  waxaana ay ku mahadsanaayeen sidii ay qaraarka maxkamada dastuuriga u soo wada dhaweeyeen,  haddana waxa looga fadhiyaa waxa qaraarka iyo xeer lr-14/2011 dhigayo in ay hogaansamaan.

𝘽𝙚𝙚𝙨𝙝𝙖 𝙘𝙖𝙖𝙡𝙖𝙢𝙠𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙙𝙖𝙬𝙡𝙖𝙙𝙖𝙝𝙖 𝙟𝙖𝙢𝙝𝙪𝙪𝙧𝙞𝙮𝙖𝙙𝙖 𝙎𝙤𝙢𝙖𝙡𝙞𝙡𝙖𝙣𝙙 𝙠𝙖 𝙩𝙖𝙖𝙜𝙚𝙚𝙧𝙖 𝙙𝙤𝙤𝙧𝙖𝙨𝙝𝙤𝙤𝙮𝙞𝙣𝙠𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙝𝙤𝙧𝙪𝙢𝙖𝙧𝙠𝙖 𝙙𝙞𝙢𝙪𝙦𝙖𝙧𝙖𝙙𝙞𝙮𝙖𝙙𝙖

Waxa aanu soo dhaweynaynaa oo uga mahad celinaynaa hiilka ay la garab taagan yihiin hanaanka dimuqaradiyadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland iyo sida ay dhaqaalaha iyo aqoontaba ugu bixiyaan doorashooyinka dalka.

Waxa aan la socod siinaynaa in maanta jamhuuriyada Somaliland looga diyaar garoobayo markii sadexaad ee dadka jamhuuriyada Somaliland isku habeynayaan ururo siyaasadeed oo markii ugu horeeyey ahaa 2002 , waxaana tartamay ururada , UDUB , KULMIYE , HORMOOD , SAHAN , UCID , ASAD waxaa barigaasi sadex xisbi qaran u gudbay UDUB , KULMIYE iyo UCID.

Waxaa markii labaad ahaa 2012 sida uu uu xeerka axsaabta qaranka iyo ururada siyaasadu  xeer lr-14/2011 qorayona waa in 10 kii sanadoodba hal mar fursad la siiyaa muwaadiniinta jamhuuriyada markaa waxa xiligaasi tartamay , ururada WADANI , DALSAN , XAQSOOR , UMADA iyo labadii xisbi ee KULMIYE iyo UCID oo waxaa is abaabulkii dambe burburay oo meesha ka baxay xisbigii sadexaad ee UDUB , waxaana 2012 noqday xisbiyo qaran KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Maanta oo 2022 waxaa tartami doona sadexda xisbi ee WADANI , KULMIYE , UCID iyo ururada siyaasada ee cusub waxaana axsaab qaran noqon doona 10 ka sanadood ee soo socda sadexda xisbi ee tartankaasi ka soo baxa.

Waxaana markaa haboon in cidwaliba oo Somaliland jecel ka taageeraysa doorashooyinka iyo hanaanka dimuqaradiyadeed ay fahanto sharciga dalka iyo qaabka ay yihiin doorashooyinka dalku oo ay Somaliland ku garab siiyaan ilaalinta xuquuqaha siyaasadeed ee dadka jamhuuriyada Somaliland,  dastuurka dalka iyo xeerarka iyo qaraarka maxkamada dastuuriga ah ee dalka.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil)

Somalilandstar@gmail.com

Mob: +252634429221

 

COMMENTS
LINKS