“1,000 Booyadood Oo Biyo-dhaamin Ah Iyo Taakulo Ka Fog Hafarka Haayadaha”Ganacsade Ismaaciil Ahmed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“1,000 Booyadood Oo Biyo-dhaamin Ah Iyo Taakulo Ka Fog Hafarka Haayadaha”Ganacsade Ismaaciil Ahmed.
February 18, 2022 - Written by Editor:

Biyo Dhaamintii Sahamiye Foundation bilaabay si fiican ayay u Socotaa. Waxannu ku hawl galnaa oo biyaha ku qaybinnaa liisas Ay diyaariyaan guddiyada abaaraha ee heer gobol.

Waxaannu u mahadnaqeynaa guddiyada abaaraha ee gobollada Oo hawl badan geliyey in dadka abaaruhu saameeyeen si Deg deg ah biyo la gaadhsiiyo. Shaqada ugu badani waxay ka socotaa Togdheer oo baahida ugu weyni ka jirto.

Maamulka Daadmadheedh iyagu shaqo maalmeedkoodii waxay u beddeleen gurmadka abaaraha oo waxay sameeyeen diyaargarow ku dayasho mudan. Markii loo tegey waxa u diyaarsanaa meel kasta baahida ka jirta, booyadihii oo ay qiimaha kala sii heshiiyeen iyo qaabkii loo hubin lahaa meelaha biyaha la geeyey. Waxa gobolkan ku yar hay’adaha wakhtiga lumiya ee habeen dhaxa ay helayaan wax walkba ka horreysiiya.

Waxa muhiim ah in gurmadka abaaraha loo arko xaalad deg deg ah oo u baahan in la helo dad heegan u ah in ay shaqeeyaan habeen iyo maalin, waayo qof harraaddani ma sugi karayo xafiisyo u shaqeynaya sidii caadiga ahayd!

W/Q: Aas Aasaha Xawaalada World Remite Ismaaciil Axmed Ibraahim.

COMMENTS
LINKS