Yaa Casuumay Madaxweynaha Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Casuumay Madaxweynaha Somaliland?
March 12, 2022 - Written by Editor:

Waa Su’aasha la Isweydiinayo hase yeeshee markii aan raadiyey Waxa madaxwayne biixi iyo waftigiisa martiqaaday machad la yidhaahdo Heritage foundation.

Heritage Foundation waxa ay ka mid tahay meelaha ugu waaweyn ee laga qaato siyaasada lagu hogaamiyo dalka maraykanka waxaana ay ku xidhan yihiin congresska maraykanka.

Waa madal ay joogaan khubaro siyaasadeed , cilmi baadheyaal , khubaro ciidamo iyo dad ruugcadaa ah oo ujeedada ay u dhisan tahay ay tahay u adeegida danaha maraykanka,  waxyaabaha ugu waaweyn ee ay qabtaan waxa ka mid ah ;

1;Udoodista xoriyada shaqsiga ah

2;Ganacsiga xorta ah

3;Xadidnaanta dawladeed ( dawlad wanaaga)

4;Ilaalinta qiyamka iyo qiimaha soo jireenka ah ee maraykanka

5;Difaaca qaranka maraykanka.

▪︎Waxa ay soo saaraan xalka xaaladaha adkaada ee dalka .

▪︎Waxa lagu tababaraa hogaamiyeyaasha mustaqbalka ee dalkaasi.

Waxaa intaasi u dheer machadkani waxa uu sanadkii khubaro horgeeyaa congresska maraykanka in ka badan 1000 goor waxaana dalka maraykanka iyo goleyaashiisa qaranku qaataan talooyinkiisa in badan oo ka mid ah.

Waxa ay hore u soo saareen in dalka maraykanku aqoonsado jamhuuriyada Somaliland waayo waxa ku jira danihiisa mustaqbalka marka la eego bugcada muhiimka ah ee jamhuuriyada Somaliland ku taallo , muhiimada uu leeyahay marin biyoodka badacas , xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxayn jiray Somaliland iyo USA iyo is-balaadhinta shiinaha ee Geeska Africa oo halis ku ah danaha maraykanka.

Waxa ay dawlada maraykanka u bandhigeen in la aqoonsado Somaliland waxaana ay ku qanciyeen mudaneyaal iyo khubaro congresska maraykanka ka ah , lama yareysan karo ururkan ama machadkan oo ah kuwa dalka maraykanka ugu horeeya waxaa ka hawlgala khubaro ilaa 100 kor u dhaaftay oo ah dadka maankooga , maskaxdooda iyo aqoontooda u tuujiya danaha dalkooga maraykanka.

Machadkani xaga siyaasada aad loogu lafoguraa waa dhinaca conservative ka oo ah danaha maraykanka kuwo ku xagjira , sidoo kale waxaa xaga aragtiyaha siyaasada ay isku dhow yihiin xisbiga jamhuuriga oo aad ugu xidhnaa.

Maalinta uu madaxweynaha Somaliland ka hadlo laba maalmood ka dib waxa ku casuuman xoghayihii hore ee Arimaha dibada dalka maraykanka Mark pompeo , maraykanku dhinaca siyaasada arimaha dibada way ka mideysan yihiin marka la eego waliba baryahan dambe waayo waxa aduunka ku soo batay quwado iyo siyaasado aad isaga caabiyaya danaha maraykanka.

Cida ugu adag ee hada loolanka culus iyo hirdanku ku dhex-marayo maraykanka gobolka Geeska Africa waa dalka China oo si laxaad leh uu dhaq-dhaqaaqiisu uga muuqdo , waxaana ay dhowaan dalka China gobolka Geeska Africa u soo magacaabeen Ergey gaar ah .

Waxaa muuqata sida China u danaynayo in uu guud ahaan Geeska Africa iyo qaarada Africa ba qabsado dhaqaaleheega iyo istaratijiyadeeda siyaasadeed waxaana durba isku dhiibay dawlado badan oo Africa ah.

QALINKII; Mohamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS