Qiimanta Qudbaddii Madaxweyne Bihi Ka Jeediyey Heritage foundation! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qiimanta Qudbaddii Madaxweyne Bihi Ka Jeediyey Heritage foundation!
March 15, 2022 - Written by Editor:

Madaxweyne Bihi wuxu khudbaddiisa isku barbardhigay Duqeyntii ,burburkii,dhimashadii ,balanbalkii iyo barakicii ku Dhacay dadka Reer Somaliland 33 sanno ka hor iyo duqeynta ,Dhimashada , burburka,,balanbalkan iyo barkaca haatan ka socoda dalka Ukraine. Madaxweyne Bihi wuxu yidhi waanu dareemaynaa xannuunka Reer Ukraine sababtoo ah waa mid aanu soo maray ,waxanan markhaati ka ahay 50,000 oo qof oo dawladdii Maxamed Siyaad Barre hortayda ku dishay.

Waxa kale oo Maxdaxweyne  Bihi si wanaagsan uga hadley israacii Waqooyi iyo koonfur ee guuldaraystay iyo cawaaqib xumaddi ka dhalatay,Saluugii ,Inqilaabkii iyo dhalashadii SNM ,Madaxweyne Bihi wuxu is dultaagay in Somaliland xasuuq ballaadhani ka dhacay, Hargeisa dhulka lala simay,magaalooyin kale la burburiyey.

Madaxweyne bihi wuxu sheegay in ka dib burburkii dawladdii Somalia 1991, shacabka Somaliland ay go’aansadeen in dawladnimadoodi dib ula soo noqdaan , iskuna tashadaan,30ka sanno ee Somaliland jirtana waxay dhisatay nidaam dawladeed,suuqa sorta ah,dimuqraadiyada,iyo doorasho xor iyo xalaal ah.Waxa kale oo Somaliland ku guulaysatay la dagaallanka argagixisada, budhacbadeedka,iyo xagjirka,halka Somalia dhanwalba ka guuldaraysatay.

Madaxweyne Bihi wuxu ku nuuxuuxsaday in dhaqaalihii Mareykan iyo beesha caalamku siinaysay uu noqday hal bacaad lugu lisay dawaladda Mogadishu na ayna dhaafin Villa Somalia.

Madaxweyne Bihi wuxu soo qaaday tartanka Quwadaha waaweyni ugu jiraan qaaradda Africa gaar ahaan Horn of Africa iyo istaraatijiyada Somaliland ay leedahay,Horumarka dekada Berbera, Berbera corridor iyo Airportka Berbera ee Space shuttle soo fadhiisan karo.

Madaxweyne Bihi wuxu sheegay in la gaadhay wakhtigii Somaliland la ictiraafi lahaa, USA iyo Somalilandna iskaashi sameyn lahaayeen,wuxu soo jeediyey in dawladda Mareykanku Xafiis diblamaasiyadeed ka furato Hargeisa.

Gabagabadii nuxurka qudbada Madaxweyne Bihi waxay ahayd khudbad dhammaystiran oo gudbisay farriintii dhabta ahayd ee dareenka ummadda,waana guul weyn oo Somaliland u soo hoyaytay.

On behalf of the Somaliland Canadian Congress (SCC), I would like to thank President Muse Bihi Abdi for the informative speech regarding Somaliland’s recognition and commitment to maintaining strong working relations with the United States.

Mohamed Abdillahi Nur

Somaliland Canadian Congress (SCC)

Ottawa, Canada

COMMENTS
LINKS