Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Caaqil Cabdi Cumar Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Caaqil Cabdi Cumar Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Gabiley.
March 23, 2022 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN: 23/03/2022

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda-dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayday Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Cabdi Aw Cumar Warsame oo ku geeriyooday taariikhdu markay ahayd 23/03/2022, Magaalada Gabiley.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha JSL waxa uu Marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa addoon wanaagsan oo ehlu-kheyr ah, isalmarkaana ka mid ahaa bahda dhaqanka ee Somaliland, gaar ahaan Cuqaasha kana soo qeyb-qaatay nabadayntii iyo dibu-dhiskii dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, Bahda-dhaqanka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Warbaahinta Madaxtooyada JSL

COMMENTS
LINKS