Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi Oo Ku Geeriyooday Dalka Hindiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi Oo Ku Geeriyooday Dalka Hindiya.
March 25, 2022 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN: 25/03/2022

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, ganacsatada,waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee mulkiilihii Huteelada Maansoor Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ku geeriyooday Waddanka Hindia maanta oo ay taariikhdu tahay 25/03/2022.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu ku sifeeyey Marxuumka inuu ahaa shaqsi wanaagsan oo ehlu-kheyr ah, samafale ah, ganacsade ah, door weyn oo muhiim ahna kasoo qaatay dibu-dhiskii iyo nabadayntii dalka,  islamarkaana  ahaa muwaadin dhulkiisa aaminay oo ka hirgeliyey maal-gashi ballaadhan oo lagu soo hirtay.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha JSL waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka,ganacsatada, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, eheladda, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Warbaahinta Madaxtooyada JSL

COMMENTS
LINKS