Aabihii Curriyey Figraddii Gooni-isku -taagga Somaliland Mujaahid Yahye Haji Ibrahim Warsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aabihii Curriyey Figraddii Gooni-isku -taagga Somaliland Mujaahid Yahye Haji Ibrahim Warsame.
March 25, 2022 - Written by Editor:

Ninkan Sawirka ka Muuqda, ninkan kaakiga xidhan ,ninkan Notebook-gana gacanta ku haysta,ninka ciidanka la hadlaya  ma garanaysaa? ma xusuusan tahay? ama ma laguu sheegay?

Ninkani Eebbe naxariistii janno haka waraabiyee waa Mujaahid Yahye Haji Ibrahim waa Geesi ka mid ah labadii Geesi ee Curriyey figradda Gooni-isku -taagga Somaliland,Somalilandtan maanta Mareykan iyo china ku loolamayaan ee aan ku badhaadhnay .Mujaahid Yahye wuxu ahaa Diplamaasi ruug caddaa ah,mujaahid Yahye wuxu ahaa mufakir,aftahan, Caalim  iyo Beeldaaje, Mujaahid Yahye wuxu ka mid ah dadkii xoogoogii iyo xoolahoogiiba galiyey halgankii SNM.

Eebbe naxariistiisa janno  ka waraabiyo Mujaahid Yahye Haji Ibrahim  Aamiin, Aamiin….

QALINKII; Mohamed Abdillahi Nur ( Mohamed Abdillahi Suweyn)

Mohamed is an electrical engineer/Econmist and can be reached at:

almis302002@yahoo.ca

COMMENTS
LINKS