Dawlad Xumadu Waxii Ay Ina Badday Maxaynu Ka Baranay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlad Xumadu Waxii Ay Ina Badday Maxaynu Ka Baranay?
April 8, 2022 - Written by Editor:
Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/c/e/3/wajaalenews.net/httpd.www/wp-content/plugins/really-simple-facebook-twitter-share-buttons/really-simple-facebook-twitter-share-buttons.php on line 318

Dadka soomaaliyeed oo hilow, kalgacayl iyo laab-xaadhnaani wado ayaa qarnigii 20naad badhtankiisii halgan dheer la galay dawladihii gumeysiga ee dhulka soomaalida joogey si ay u yagleelaan gobanimo soomaaliyeed oo dawladnimo ay iyagu leeyihiin.

Horaantii lixdamaadkii ( 1960s ) ayaa ay xoroobeen labadii ugu horeeyey oo yagleeleen dawladnimo wadajir ah oo uu keenay hillow , kalgacayl iyo hamuun soomaalinimo oo haysay dadkii waagaasi joogey ee la diriray dawladihii gumeysiga ee dhulka soomaalida sifooyinka kala duwan ku yimid.

Wanaagii walaalnimadii iyo kalgacaylkii dadka soomaaliyeed ee waagaasi waxa uu gaadhay in aan waxba la kala yeelan shuruud la’aan iyo Soomaali jacayl wax walba laga horeysiiyo oo dadku noqdaan mid qudha oo meel u wada jeeda .

Waxaa gaagixiyey oo gunta ka riday waxii la doonayey dawlad xumo kala dambaysay iyo aragti la’aan siyaasadeed oo waxa kaliya u muuqday dhamaan maamuladii soo talinayey kursiga iyo sida ay ku tagi lahaayeen ama ku haysan lahaayeen,  natiijadeedii waxa ay dhashay burburkii dhacay , isnacii iyo kala aamin baxii ku yimid dadkii soomaaliyeed ee u hamuun qabay dawlad weyn oo somaliweyn ah oo ka dhalata bariga Africa.

MAXAA AYNU KA BARANAY WAXII DHACAY ?

Waxa aan u arkaa in aan ilaa hadda waxba laga baran inaga oo og boqolaalkun oo qof in loo laayey micno daro , kursi jacayl , awood raadin iyo isir kala qoqob , maanta oo laga joogo 32 sanadood qaran jabkii iyo dawladii madalootiga ahayd ee lagu hungoobay wali dadka siyaasada iyo hogaaminta umada hayaa wax macno leh oo u kordhay ma jiro , sababta oo ah ilaa hadda may keenin hal abuur siyaasadeed iyo aragti hogaamineed oo cusub oo bal dadka inta ka soo hadhay balaayooyinkii dhacay lagu samato bixiyo.

Meelaha uu caqliga wanaagsani shaqeeyey sida Jamhuuriyadda Somaliland waxaa cadow ku ah intii kale oo dhan iyo dunida kale ee danaha kala duwan ka leh gobolkani aynu daganahay oo aan rabin cid la’aantood wax noqotaa in aanay jirin ama tamarin karin , waa dhibka maanta aanay Jamhuuriyaddii Somalia labadii ku midoobay midwaliba meel ay go’doonka ugu tahay ama loogu hayo ee aan la ogoleyn in ay mid kastaa gaarkeeda wax u noqoto , sidoo kale in ay wadajir wax u noqdaana lama rabo .

Waxaa arin murugo leh ah marka labeenta dadka maanta nooli ay fahmi kari laayihiin waar tashada oo wax isku ogolaada bal mustaqbalka dambe dadka nooli waxii ay yeelayaan ha yeelaan e , oo idinku cahdigan aad nooshihiin taariikh xumo iyo talo xumo ha guntanina.

SIYAASADU MARWALBA WAXA SAL U AH XAQIIQADA.

Waxa aan uga jeedaa hadii aad midnimo soomaaliyeed oo qiiro ah aaminsan tahay xaqiiqada lagu jiro iyo sida maanta la yahay na halkaasi meel aan u dhaweyn ay tahay oo aad aragtidaada hogaamineed ku sargoyn kari waydo halka maanta la kala taagan yahay ma tihid hogaamiye umadeed iyo siyaasi himilo fog leh .

Waxa ayaan daro weyn ah inag oo ogeyn waxa soomaali kala mudatay soddon sanadood oo midnimo ahaa , haddana arkeyna 32 sanadood oo la kala maqnaa halka la taagan yahay in aanay jirin dad ka damqanaya dadka soomaaliyeed ee ku nool gobolkani gaar ahaan dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia oo faraqa is haysta .

Hadii aanad fahmi karin in siyaasadu xaqiiqada ku sar go’an tahay ma saadaalin kartid mustaqbalka umada mana hogaamin kartid , sababta oo ah waxaa ay u eeg tahay in loogu talogalay in labaduba meesha ka baxaan oo hadii ay taasi degi wayday tana dabka la sudho si looga faaiideysto .

Maanta dadka nool inta hogaaminta umada haysa iyo inta u hamuun qabta ayaa uu horyaalaa badhaadhaha dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia in ay horumar gaadhaan ama baaba’aan oo khariidada laga masaxo sida lagu talo jiro.

Waxa ka hadhi doonta uun taariikh la yidhaahdo barigii waxaasi dhacayeen horta yaa noolaa , haddaba si looga bad-baado gunimo abada ah waxa haboon in dadka la dooranayaa ay keenaan xal siyaasadeed iyo hogaamineed oo ka duwan waxii lagu cel-celinayey laba iyo soddonkii sanadood ee ugu dambeeyay ( 32yrs ) oo la xaqiiqda lagu waajaho aragatida iyo xalka ugu mudan oo ah laba dawladood ( Two entities solution ) oo ah halka maanta mustaqbal , horumar,  isgarabsi iyo soomaali is-jecel ugu dhow.

Bal in yar dhuux gabaygan dabadeedna suuree tiiha , dawlad xumada , xasadka , qabyaalada iyo xumaanta la walaaqanayo ;

Dadkaan lahadlayaa baan laheen dux iyo iimaane.

Bal iney dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray.

Waxii horay usoo daashadey dagashanaayaane.

Doc hadey uwada jeesatoy dhowrta danaheeda.

Ooy duul walaal ah tahooy duunka ka heshiisa.

Dadka kama yaraateene wey is dabar jareysaaye.

Dube madaxa wey iskala dhacdaa daa,in abidkiise.

Goortey is wada dooxatey baa daad usoo galiye.

Ubadkiinii waad daadiseen waadna dubateene.

Dubaaxiisa waad wada cunteen duhur dharaareede.

Dariiq toosan soomaalaay waa lagaa dadaye.

Darajada ilaah ninkii doonayaa hela e..nin ka duday dastuurkiyo waxyigiyo diinta ka cararayoow.

Dugsi maleh qabyaaladi waxey dumisa mooyaane..

CABDILAAHI SULDAAN TIMACADE

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS