Madaxwaynaha Jsl Oo Shacabka Ka Tacsiydeeyay Marxuum Cabdi Jaamac Xasan Oo Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Shacabka Ka Tacsiydeeyay Marxuum Cabdi Jaamac Xasan Oo Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska
April 9, 2022 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 09/04/2022

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Cabdi Jaamac Xasan oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu tahay 09/04/2022, dalka Ingiriiska.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL

 

COMMENTS
LINKS