Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Sheekh Daa,uud Macalin Oo Maanta Ku Geeriyooday Magaalada Arabsiyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Sheekh Daa,uud Macalin Oo Maanta Ku Geeriyooday Magaalada Arabsiyo.
April 27, 2022 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 27/04/2022

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Daa’uud Macalin Axmed Ceelaabe oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 27/04/2022, Arabsiyo.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sheekh caalim ah oo ka baxay dalka iyo dadka waxna soo baray bulsho badan, kana mid ahaa culimada waa weyn ee dalka.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

 

COMMENTS
LINKS