“Xukuumada Muuse Biixi Maanka Ayey Ka Gaajaysan Tahay, Bal Car Meel Ay Lacagi Taalo U Sheega…”Cali Kubad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xukuumada Muuse Biixi Maanka Ayey Ka Gaajaysan Tahay, Bal Car Meel Ay Lacagi Taalo U Sheega…”Cali Kubad.
May 5, 2022 - Written by Editor:
Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/c/e/3/wajaalenews.net/httpd.www/wp-content/plugins/really-simple-facebook-twitter-share-buttons/really-simple-facebook-twitter-share-buttons.php on line 318

Waxaan Maalin dhoweyd ku arkay Twitter-ka  araahdan soo socota-“Haddii aad rabto inaad hore u dhimatid. isku dhex qas saboolnimada iyo xaasidnimada markaasna ku dar tartan dhexdooda ah si loogu beratamo labadaas, i aamin xitaa dhakhaatiirtuna ma garan karaan waxa ku dilay ee sababta u ahaa dhimasha daada”. Madaxweynuhu maalintii uu hogaamka dalka qabtay waxuu iska seertay oo deyr weyn ku wareejiyey dhul uu yidhi waxaan ka samaynayaa madaxtooyo cusub. Dadkii dhulkaas deganaa sidii ay joogaan koonfurta Afrika markii uu cadaanka yari haystey baa qori dabadii iyo feedh iyo laad dadkii masaakiinta ahaa ee dhulkaas degenaa lagaga saaray. Ciidan ka mid ah ilaalada madaxtooyada ayaa dabadeed meeshaas la soo dhoobay si dadka loogu cabsi geliyo. Ilaa iyo maantadaas waxba meeshaas lagama dhisin, oo mar waxa la mala awaalaa waxuu ka dhisi doonaa Kempinski Hotel, marna waxa la yidhaahdaa waxuu ka dhisanayaa Gurigii uu ku nasan lahaa markuu hawlgab noqdo(retired), waqtiga xaadirka ahna dad baa yidhaahda geeliisa ayaa ba lagu xareeyaa. Hadaba, madaxweyne Suuqa Waaheen ee xukuumadaadii ay madaxa iskaga duuduubtay sidee laguugu aamini karaa adigoo aan madaxtooyadii aad balan qaaday samaynteeda aanad weli bilaabin afar sanadood iyo dheeraad iyadoo caga cagaynaysa. Maanta waxa haboon inay wada shaqeeyaan xukuumada dhexe iyo dawlada hoose ee Hargeysa, sababtoo ah waxa fiican inay labada gacmood ee bidix iyo midigtuba ay ka wada war hayaan waxa jeebka innoogu jira. Distoorku iyo xeerarka dalka Somaliland u yaalaa waxay kala siiyeen xaduudo iyo waajibaad tilmaamaya intay leedahay dawlada hoose iyo intay leedahay xukuumada dhexe. Hadaynu dhinaca dhaqanka maamul wanaaga ka eegno waxa tolmoon inay dawlada hoose intii Distoorku awood siiyey lagaga masuugin ee loo daayo, oo weliba xukuumada dhexe ay dusha kala socoto oo korjoogeyso (oversight). Markay ugu yar tahay dawlada hoose waxay ka baqi doontaa inay khalad samayso illayn waxay ogyihiin in waxii ay khaldaan xukuumada dhexe soo bandhigi doontee, laakiin haddii ay xukuumada dhexe hawsha gacmaha keligeed la gasho waxii ay khalado sidee lagu ogaan karaa (Who watches the watchmen). Waxaanu nahay dalka jirey 31 ku dhowaad ee aan weli qof xukuumada ka shaqeeya lagu soo xukuumin inuu wax xaday ama boobay , madaxwenayaashii soo marayna ku darsadoo. Haa, wasiirka hawlaha guud door uu ka ciyaaro wuu leeyahay sida naqshadaha iyo intii uu distoorku siiyeyba, laakiin maaha dee inuu mashruucaba xuurto ka qabsado oo uu danaha gaarka ee madaxweyne Muuse ka leeyahay Waaheen ka fushado. Mar walba anigu waxaan qabaa in dhalinyaradaas loo soo doortay xildhibaanada degaanka oo uu Maayarku ku jiro loo ogolaado inay arrimaha magaalooyin kooda u faro dhuub dhuub naadaan oo u gacan banaanaadaan . Askariguse waxuu garanayaa oo dawladnimadaba uu haystaa intii uu ka bowsadey Macalinkii Afweyne Barre oo dee ilaa iyo badhiwalaha/ biyotooniga isagu qori jirey, wax walibana ay gacantiisa soo mari jireen. Madaxweyne Muuse waxuu ilowsan yahay inuu Afweyne dalka ku qabsaday xoog milateri, halka isagana ay soo doorteen dadka reer Somaliland. Dimuquraadiyadu waa awood qaybsi, isu tanaasul, iyo xilkasnimo la isku qaderinayo soohdimaha uu inoo kala sameeyey Distoor keena JSL.

Ugu danbeyntii, waxa inna soo mara gudiyo kala duduwan oo noocyo badan sida gudida abaaraha, gudida Covid-19, iyo gudidada dib u dhiska Suuqa Waaheen. Dadka gudiyadaas ku jiraa waxa ka mid ah ganacsadayaal, culimaa’u diin, siyaasiyiin, iyo wax garad kale haseyeeshee waxii ay xoolo iyo hantiba ururiyaan wax xisaab xidh cad ah oo dadweynaha lala wadaago weli reer Somaliland may arag. Timir laf baa ku jirta, oo dadyow badani waxay aaminsan yihiin inuu muusuq maasaqa ugu weyni uu halkaas ku jiro. Bal car xisaab xidh keliya ha la ina tuso si la inoo qanciyo dadweyne ahaan. Markuu xal halkaas marayo, miyaanay ahayn in dib u dhiska Suuqa Waaheen loo daayo Maayarka iyo xildhibaanada Hargeysa shaqadooda. Waxa la ii sheegay in qalabkii iyo hawadii(Oxygen-tii) la innoogu tabarucay COVID-19 ka in loo iib geeyey Itoobiya, waar ma sidaasaynu dawlad ku noqonaynaa. Waxa ilo lagu kalsoonyahay ii sheegeen inuu Madaxweynuhu liis u gaar ah keenay oo uu leeyahay dadkaasni wax bay ku lahaayeen Suuqa Waaheen ee ku dara dadka loo mag dhebayo.  Reer Kiiniya ayaa waxay leeyihiin dacaayad ama kaftan odhanaya “ haddii aad qof meyd ah u timaadid si aad u garato qoloda ama cida uu ahaa qofkaas dhintay, meydka agtiisa lacag bir ka samaysan sida shilling-ka ku ag daadi haddii uu meydkaasi ahaan jirey qabiilka Kikuyu-yada wuu toosayaa meydku markuu sanqadha lacagta maqlo”. Allah Ilaahay maxuu nin aanu isku xaafad nahay jeceleysiiyey bahashaas lacagta ah, bal aynu dhowrno haddii uu innaga ajal horeeyo, oo bal qof walooba jeebka shilimaad ku soo rido si aynu saqadheeda u maqashiino waaba intaas oo uu dib u soo noolaadaaye. Madaxweynuhu markuu wasaarada hawlaha guud iyo xildhbaanada golaha degaanka oo maayarku ku jiro uu timaha isugu xidhay isagoo awoodii Madaxweynenimada adeegsanaya waxay la mid tahay saboolnimada dalka haysata iyo aqoon daradan distoorkii lagu muransan yahay oo isla markaasna beratan iyo isla ficiltan laga dhex abuurayo. Anigaa wax arag!

QALINKII; EX KOMISHANEER CALI KUBAD.

COMMENTS
LINKS