Xukuumada Iyo Golaha Wakiilada Waa In Ay Hadda Uhawl Galaan Tirakoobka Dadka Jamhuuriyada Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Iyo Golaha Wakiilada Waa In Ay Hadda Uhawl Galaan Tirakoobka Dadka Jamhuuriyada Somaliland!
May 6, 2022 - Written by Editor:

Goorma Ayaa La Sameyn Doonaa Tirakoob Dadwayne? Muhiimada Tirakoobku Inoo Leeyahay Intee Ayay Leegtagay? Yaase masuuliyadaasi Saaran Tahay  Oo Leh Shaqadaasi?

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay sameysay wax badan oo wanaagsan,  sidoo kale waxna waa qabyo ilaa hadda halka aan waxa la qabtayna sidii la doonayey wada aheyn .

Haddaba sida dhabta ah xasiloonida dal waxa ay ku xidhan tahay xasiloonida siyaasadeed ee dalkaasi ka jirta , sababta oo ah marka lagu heshiiyo hanaanka doorashooyinka ee uu leeyahay hab loo raaco , xeer loo cuskado iyo wakhti go’an oo ay doorashooyinku dhacaan waxa kaliya ee lagu dedaalayaa sidii aad umada u kasban lahayd.

Somaliland qaabka doorashooyinka loo galo wax weyn baa ka dhiman sidoo kale waxa ku jirta qabyo farobadan oo aan qorshe loo waayin laakiin aan la iskuba dayin oo ay ka mid tahay tirakoob lagu sameeyo tirada guud ee dadka jamhuuriyada Somaliland.

Tirakoobka dadweynaha Somaliland in hadda loo dhaqaaqo sidii loo sameyn lahaa waa qasab si uu qaranku hore ugu socdo loogana baxo murug iyo khilaaf dambe oo inagu soo noq-noqda.

MAXAA FAA,IIDO INOOGU JIRTA TIRAKOOBKA ?

1;Sida ku cad Xeer lr-14 2011 oo ah xeerka ansaxa ah ee lagu galayo doorashooyinka ururada siyaasada Ee 2022 waxa uu dhigayaa in ururka 20% ka hela 4 gobol oo ka mid ah 6 gobol uu u gudbayo Xisbi qaran , hadda waxa ku meelgaadh loo sii isticmaalaa tirooyin hal dheeri ah oo sida ay u kala sareeyaan codadkoogu loo soo qaato , kaasina ma waafaqsana sharciga , waxaaba suuragal ah in shuruudahani uu urur ama xisbi kali ahi buuxiyo.

2-Sida xeer 23/2019 ku cad qiimeynta gobolada dalka tirada dadkiisu waa ka mid waxaana ay fursad u tahay qiimeynta gobolada cusub.

3-Waxa aynu helaynaa hab cusub oo cadaalad ah oo gobol waliba metelaadiisa wakiilada ku helo , halka hada aynu qaadanay 82 mudane oo wakiilada iyo Guurtiduba ku saleysan tahay oo laga tixraacay tiraadii kuraasta deegaan doorasho ee 1960kii ( 33 kursi × 2.5 ).

4-Waxa kale oo ay inoo fududeyn doontaa in la daadejiyo kuraasida doorasho deegaan ee magaalooyinka , Tusaale ( Hargeisa 17 Kursi waxa qaybsan doonaa degmooyinka oo u kala qaadan doona sida ay ku kala dad badan yihiin ).

5-Waxa la heli doonaa marwalba oo doorasho soo dhawaato inta isku diyaarinaysa in ay doorashadaasi codkooda dhiibtaan oo la diwaangalin doonaa.

6-Gudiga doorashooyinka waxa ay ka caawin doontaa in werwer laga qabo in dad kale cadeeyaan sidoo kale maalmaha doorashadu socoto ayaa la kordhin karaa si qofwaliba fursad ugu helo halka hada ay tahay ( 12 saacadood oo kaliya in goobaha cod bixintu furnaadaan ) oo doorashadu ku soo geba-gabowdo.

Masuuliyada  dalku waxa ay saaran tahay hadba xukuumada talada haysa in ay qabato waxii dalka u muhiim ah , iyo in ay diyaariso waxwalba oo doorashooyinka ka qabyo ah ama aan looga maarmeyn si loo helo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo guud ahaan dadka jamhuuriyada Somaliland kuwada qanacsan yihiin , loogana baxo nidaamka xalka ah ee lagu galay labadii doorasho ee ugu dambeeyay ee wakiilada.

Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland waxa laga sugayaa in ay deg-deg y diyaariyaan xeerkii diwaangalinta guud ee dalka ( tirakoobka dadweynaha) waayo waxa ku xidhan doorashada dambe ee golaha wakiilada,  gobolada iyo degmooyinka cusub ee golaha la horkeeni doono si ay u ansixiyaan iyo saxal baxa saami qaybsiga .

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

Mob  +252634429221

Mob +252634241005

Gud; Urur siyaasadeedka dadweynaha Somaliland

 

 

COMMENTS
LINKS