Talo Iyo Tilmaan Ku Socota Reer Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talo Iyo Tilmaan Ku Socota Reer Somaliland!
May 10, 2022 - Written by Editor:

“Munaasibada 18ka May Ma Dabaaldega Xuska  Madaxbanaanida Somaliland Baa, Mise Waa  Baroor Diiqda Xuska Xasuuqii Loo Geystay Dadka Reer Somaliland?”

Hadii beelaha somaliland wada degan ayna u Wada dhamayn ama ku wada socon halgankii dib u xoreynta qarran, ee tobonka sano ay ku jirtey jabhada Snm. Waxay u dhamaayeen oo beeluha somaliland wada socdeen sodonkii sano ee lagu jirey halgankii dib u dhiska dalka iyo geedi socodkii dimuqraadiyada iyo dawladnimada somaliland oo guulaha la gaadhay waa kuwo la wada leeyahay waanay ka wada muuqdaan beelaha somaliland .

Hadaba munaasibada 18May maadaama ay tahay maalintii aasaaska qarranimada somaliland ma in suugaanta iyo khudbadaha siyaasiyiinta lagu soo koobaa ka hadalka tobonkaa sano ee halganka lagu jirey ee aan loo wada dhamayn baa mise waa in laga hadlo oo lagu soo bandhigo heeso ka hadlaya sodonkaa sanno ee la wada leeyahay waxii la wada qabsaday?

Munaasibada 18 may waa in lagu soo bandhigaa barnaamijyo iyo suugaan farxad galinaysa oo ay ka dhex muuqato taariikh ay wada leeyihiin wiilasha jooga, laascaanood,laas qorey,lawyacado ,saylac,boorama,hargaysa,iyo burco

Ninka sodon sano dib u dhiska somaliland ka shaqaynayay ee dimuqraadiyada iyo dawladnimada hirgaliyey maxaa waxqabadkiisa bar kuma taal ka dhigay ninka tobon sano jabhad ahaa ee kaynta ku jireyna ka dhigay ka kaliya ee somaliland wax u qabtay?

Hadaynu sodon sano wali ka sheekaynayno sidii ay ku timid 18ka may goorma ayaynu ka sheekaynaynaa waxii la qabsaday 18 may 1991 waxii ka danbeeyey?

Ma waxaan wiilasha sool iyo awdal ka xanaaqin baa reer somalilandnow gari allae ayay taqaanaa ee snm maalin gaar ah xusa munaasibada sideed iyo tobonka mayna ha noqoto maalin la wada leeyahay dadka somaliland waa mujaahid iyo mudaafac ee taariikhda mudaafacu ha kadhex muuqato suugaanta 18 may Oo munaasibada 18ka may ha noqoto munaasibad la wada leeyahay sool ilaa saylac

Oo Ha la soo Bandhigo Taariikhdii Mujaahidiinta iyo Mudaaficiinta dalkaba waa maalin aya wada leeyihiine

18 may Ha noqoto Munaasabad La wada Leeyahay.

W/Q: Cabdi Kariim Muxumed Cadde(Qaamuus)

 

COMMENTS
LINKS