Taariikhda Waa Dhigaal Iyo Dhaxal Looga Faa,iideysto Joogtada Iyo Timaadada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taariikhda Waa Dhigaal Iyo Dhaxal Looga Faa,iideysto Joogtada Iyo Timaadada!
May 13, 2022 - Written by Editor:
Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/c/e/3/wajaalenews.net/httpd.www/wp-content/plugins/really-simple-facebook-twitter-share-buttons/really-simple-facebook-twitter-share-buttons.php on line 318

Marka aynu taariikhda dib u raacno cuduradii dawladnimadii Jamhuuriyadda Somalia ku burburtay waxaa aynu u kala saareynaa dhawr ama waxa aynu ka xusaynaa qaybo ka mid ah ;

1- Aqoon la’aan ka haysay dadkii xiligaasi noolaa nidaamka dawladnimo oo sababtay in qofwaliba sidii uu wax ku heli karo iyo jidkii uu u mari karo hogaaminta umada iyo siyaasada in uu maro , waxaana hab raac yar laga helay nidaamkii mustacmarka ee dalka ka talinayey.

2- Midnimada oo aan aad loo fahansanayn oo ay keentay caadifad siyaasadeed oo la rabay in gobanimo doonkii lagu dhiirigaliyo oo dadka madax marsanayd taasi oo sababtay in sharcigii iyo habka midnimo maamulo dawladeed loo sameeyo.

3- laalistii dastuurkii dalka iyo af-gambigii ciidamadu sameeyeen iyada oo aanu hanaankii dimuqaradiyadeed ee dalku qaatey wali toban jirsan oo hadimo iyo huq ku noqotay hiigsigii iyo yididiiladii dawladii xiligaasi ay ka lahaayeen dadkii soomaaliyeed ee dawladnimada ku midoobay 1 July 1960kii.

4- Natiijooyinkii ka soo baxay taladii iyo hogaamintii umada oo noqday qaar dadka iyo dalka kala sareysiinaya oo is muquunin xoogani ku jirtay tusaale;

  1. b) wadaaga khayraadka dalka iyo mashaariicda horumarka looma sinayn oo waxaa jiray dheeli weyn.
  2. t) Saameynta uu keenay xarafka ( b) ayaa waxa soo baxday in dib loogu xisaabtamo dawladnimadii wadaaga ahayd waxii labadii gobol ama dawladood ee midoobay ay ka heleen iyo sidii ay u kala badsadeen ( Sed bursiimo xaga xilalka ah ).

5- Tabashooyin is biirsaday oo badan iyo dawladnimadii oo ka turjumi wayday dareenkii bulshada ayaa dadkii uga faaiideysatay in gobolo , degmooyin iyo qabiilo la isugu jeediyo taasi oo dhashay cunfi iyo xumaan.

6- Muquunin awoodo ciidamo oo loo adeegsanayey dadka soomaaliyeed qabiilooyin ka mid ah iyada oo lagu tuhmayey in ay yihiin dad damac leh wax diidi kara isla markaana baraarugsan..

▪︎Inahan iyo in badan oo kale oo ka bad-badis iyo ku tagrifal awoodeed ahaa oo sarkaalba sarkaalka ka sareeya marka uu arko sida uu wax u wado isna sameynayey laban laabkeed ayaa dhaliyey qaran jabkii iyo bur-burkii dawladii jamhuuriyada Soomaaliya .

▪︎ saameyn ay yeelatay siyaasadii hogaamineed ee barigaasi ayaa jamhuuriyadii soomaaliya u abuurtay cadaw badan oo dibadeed kuwaasi oo aakhirkii qayb ka noqday bur-burkii dawladnimadii la dhisay 1 – July – 1960.

MAXAA LAGA BARTAY WAXII DHACAY MARKA AAD EEGTO HAB-FEKERKA IYO HAB-DHAQANKA SIYAASADEED EE MAANTA JIRA ?

Waxa ay u badan tahay in aan waxba laga baran waxii soo dhacay , sababta oo ah may rafaadsanaadeen labadii dhinac ( Entity ) ee ku midoobay dawladnimadii jamhuuriyadii soomaaliya oo kala ah ;

1- Jamhuuriyada Somaliland oo 1991 kii ku dhawaaqday dib ula soo noqoshada dawladnimadii ay ka qaadatay 26 June 1960 boqortooyada ingiriiska laakiin ilaa maanta aan caalamku aqoonsan , maamulada jamhuuriyada federaalka soomaaliya loo dhisaana aanay aheyn qaar ka fekeraya mustaqbalka umada oo garan kara sidee labadiinuba wax ku noqon kartaan .

2- Jamhuuriyada Federalka Somalia oo soddonkii sanadood ee ugu dambeeyay caalamku gacmaha ku hayey si dawlad loogu dhiso oo ilaa hadda aanay helin dadka ku hoos nooli amni sugan isla markaana si qaldan oo eex ah aduunku u aqoinsaday isaga oo dalkii jamhuuriyada Somalia laba dawladood kala noqday ayaa ah ubucda iyo halka laga dhaqaaqi laayahay.

Ilaa hadda dadka ka soo jeeda jamhuuriyada federaalka soomaaliya waa laga laayahay waar yeynaan isku dul baabi’in e , hadii aynu inagu xanibanay jamhuuriyada Somaliland hala aqoonsado waa intaasi oo ay shimbir inoo noqotaaye , laakiin waxa laga shaqeynaya tani cagsigeeda iyo qiiro dawlad soomaaliyeed oo aan xiligani suuragal aheyn mustaqbalka dambe dadka nooli waxa ay yeeli doonaan la garan maayo e.

MASUULIYADA ADUUNKA IYO HOGAAMIYE WALBA OO SIYAASADEED SAARAN MAANTA MAXAY TAHAY ?

Maadaama lagu soo jirey dagaalo iyo burbur dawladnimo oo lagu xasuuqay boqolaalkun oo dad ah , hanti waxii la haystay iyo qaranimadiiba ku burburtay waxaa la soo dhisayey soddon sanadood in la ilaaliyo oo la sii kobciyo oo aan looga sii darin ama la kala daadinin si aanu u iman waxa maanta laga cabanayo wax ka xun.

Iyo in lala yimaado aragtiyo istaratijiyad soddonka sanadood ee soo socda ku wajahan si aan mustaqbalka looga luminin da’yarta iyo dadka u dhalan doona dalalkan oo maanta xalkii la keeno iyo halkii loo dhaqaaqi lahaa marka aad eegto in la soo maray soddon sano oo midnimo ahaa , soddon sanadood oo dawlado la kala noqday iyo soddonka maanta fooda inagu soo haya oo ay masuuliyadeeda leeyihiin dadka maanta nooli.

Maanta fusad kale ayaa taagan oo hore loogu socon karo , walow aan aaminsanahay in aan caalamka in badan oo ka mid ahi nasteex u aheyn dadka soomaaliyeed iyo dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia oo la rabo in aan midina horumar sameyn isla markaana dalal badani sidani dantooda u arkaan , hayeeshee arinkani waxa uu u yaallaa dadka labeenta ah ee ka soo jeeda dhulkani in uu caqligoodu u shaqeeyo maxaa dalalkeena iyo dadkeena u dan ah ?

Waxa aan is leeyahay maanta maalin ay ka wanaagsan tahay ma muuqato in Jamhuuriyada Somaliland la aqoonsado oo qofka Soomaaliga ah ee bariga Africa iyo Geeska Africa ku nooli uu yeesho shan dal  ( Five countries) uu midwaliba muwaadin ka yahay maadaama ay siyaasada iyo istaratijiyada caalamiga ahi ku fareyso in xaqiiqada jirta laga duulo marwalba.

QALINKII; Mohamed Abdi Jamac “Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS