Magaalada Gabiley Oo Lagu Xidhay Wiil U Dhashay Dalka JABUUTI Oo Madaxwayne Geelle Dhaliili Jiray Iyo Cabsi Laga Qabo In Loo Gacan-geliyo Dawlada Jabbuuti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaalada Gabiley Oo Lagu Xidhay Wiil U Dhashay Dalka JABUUTI Oo Madaxwayne Geelle Dhaliili Jiray Iyo Cabsi Laga Qabo In Loo Gacan-geliyo Dawlada Jabbuuti.
May 21, 2022 - Written by Editor:

Gabiley(W,N) Aare Suleebaan Cawleed “ Arreh, oo si weyn u dhaliili jiray madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa lagu xidhay Gabilay,

Muuqaal uu soo duuubay ayuu Arreh, kaga codsaday shacabka Somaliland in laga hortago in dawladda Jabbuuti loo gacan geliyo.

Arreh, ayaa asal ahaan ka soo jeeda Jabbuuti, balse beryahan dambe waxa uu ku sugnaa gobolka Gabilay isagoo Face Book-giisa soo gelin jiray muuqaallo uu ku codsanayo in Geelle, xukunka ka dego.

Dad reer Somaliland ee baraha bulshada wax ku qora ayaa si weyn uga soo hor-jeestay xadhiga Arreh Souleiman Aouled Arreh iyaga xukuumadda Somaliland uga digay in loo gacan-geliyo dawladda Jabuuti.

 

COMMENTS
LINKS