Afganistan: Waalid Hablahooda U Iibinaya Inay Noolaadaan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afganistan: Waalid Hablahooda U Iibinaya Inay Noolaadaan!
May 24, 2022 - Written by Editor:

Sheekh Yuusuf Qardaawi, oo la weydiiyey xadiiska macnahiisu yahay “Qofkaan ka fikirin amuuraha muslimiinta kama mid ah” ayuu sheegay in xadiiskaa culimadu saxiixnimadiisa duraan, balse guud ahaan ay waajib tahay in qofka islaamku ka fekero umuuraha walaalahiisa muslimiinta meel kastoo ay caalamka ka joogaan afka ay doonaan iyo dalka ay doonaan ha degenaadaane, sida axaadiis badan tilmaamayaan.

Xadiis Nebiga SCW oo saxaabiga Abi Dar, Muslim ka weriyey, ayaa macnahiisu ahaa “Qofkiin IIMAAN dhamaystiran ma gaadhin, ilaa uu walaalkii la jeclaado, waxuu naftiisa la jecelyahay.”

Walaalayaal, maanta ujeedada mowduucan kooban aan qalinka ugu qaatay, waa dhibaatada ka taagan dalka afgaanistaan, oo lagu sheegay in xaalada ugu xu nee bani’aadminimmada caalamka ay ka taagan tahay, ay  keentay in waalidkii iibiyaan caruurtooda hablaha ah.

Muuqaal laga diyaariyey oo dunidu daawatay waxaad ku arkaysaa Aabeyaal hablo ay dhaleen, oo da’doodu tahay 9 jir iyo ka yar ay ku iibinayaan 1000 Dollar ilaa 2000 dollar, si ay nolol u helaan hablahu, sidoo kale waalidku u helaan dhaqaale ay ku sii noolaadaan muddo.

Waalidka oo la weydiiyey sababta ay u iibinayaan hablahooda, ayaa ku jawaabay, wax aan siiyo inanta aan iibinayo iyo kuwa kale jooga ma haysanno, markaa dantaa igu khasabtay.

Sidoo kale hablaha yaryar oo la weydiiyey siday u arkaan iibintooda, ayaa sheegaya inay ka murugeysan yihiin, balse cunto la’aan ku kalifayso waalidkeed inay talaabada qaadaan.

Waxaan is-weydiiyey, tolow ubadkaa, berri marka ILAAHAY SW hortiisa la taagan yahay, sow la isma weydiin doono, qof walba waxuu ka geystay, ama u qabtay ee uu ku taageeray? WALAAHI waa la is-weydiinayaa?

Waxaan isweydiiyey, tolow tujaarta muslimiinta & dadka ILAAHAY SW maalka aduunyo siiyey maxay berri kaga jawaabi su’aasha hortaala? Kuwa fara-madhan-se intii karaankooda, oo ducadu u weyntahay, ma guteen, oo ma u duceeyeen in ILAAHAY SW faraj kheyrqaba siiyo waalidkaa dalka AFGANISTAN ka kaafiya iibinta ubadkooda dantu ku khasabtay?

Waxaan ILAAHAY SW ka baryayaa inuu faraj kheyr-qaba siiyo waalidiinta reer Afgaanistaan ka kaafiya, iibinta ubadkooda iyo dhamaan muslimiinta caalamka inta dhibaato hayso, isagaa awoodee, aamin.

Waxaan tujaarta muslimiinta caalamka iyo gaar ahaan tujaarta muslimiinta ugu baaqayaa inay kaalinta kaga beegan ka qaataan, oo taakulo dhaqaale inta ay awoodaan u fidiyaan muslimiinta dalka Afgaanistaan iyo dhamaan ku caalamka ee soomaalidu ku jirto ee dhibaatooyinka aduunyo ILAAHAY SW ku sababay, iyadoo inta kale lagu eegayo siday ugu gargaaraan, si berri su’aasha hortaala uga badbaadaan.

Waxaan kaga baxayaa, qof kasta oo islaam ah berri waxa hortaala su’aal uu maanta fursad u haysto inuu xalkeeda sii helo.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa, “Nin la tollay, tallo u taalaa! ILAAHAY SW waxaan ka baryayaa inuu dariiqa XAQA na waafajiyo, khaatumadana kheyr noogu khatimo, anniga, waalidkay iyo ummada islaamka dhamaantood, aamiin.

QALINKII; Maxamuudd Cali Sh Maxamed (Walaaleeye).

COMMENTS
LINKS