Cudurka Kaa Gala Fardaha Haddii Laga Gubo Dameer Dawada Lama Gaadhayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cudurka Kaa Gala Fardaha Haddii Laga Gubo Dameer Dawada Lama Gaadhayo!
May 28, 2022 - Written by Editor:

Waxa lagama maarmaan oo waajib ku ah muwaadiniinta reer Somaliland inay eegaan oo akhristaan Shuruucda iyo Xeerarka dalka, si ay uga gar-naqaan wax kasta oo laysku qabto, gaar ahaana muranka sharci ee ka dhex taagan Mucaaridka iyo Xukuumadda, si aan dhegahooda loogu shuban xogo been ah oo sababi kara in lagu dagaal geliyo, waayo markaad wax fahmto ma suurtagalayso in macluumaad aan sax ahayn lagaaga dhigo kuwa run ah.

Maanta dalkeena waxa ka aloosan khilaafyo siyaasadeed oo la abuuray oo u dhaxeeya Xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumadda, kuwaas oo u baahan in shacbiga reer Somaliand si dhab ah u ogaadaan waxyaabaha gundhigga u ah khilaafkan aadkan sii cakir- maya maalinba maalinta ka sii dembeysa ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka Ururrada iyo ta Madaxtooyada oo mid walba xilliyeysan tahay kuna cadahay shuruucda iyo xeerarka dalka.

Haddaba, dadweynow si aad xaqiiqada iyo waxa laysku hayo u fahamtaanogaataan, Waxa uu dhigayaa Xeer Lambar 14/2011 oo aad idinku akhrisan kartaan, in waqtiga jirtaanka ee Xisbiyada Qaranku yihiin TOBAN sannadood, waxana Uruurrada la furayaa LIX bilood ka hor inta aanuay dhammaan muddada jiritaanka Xisbiyadu, sidaa darteed sida ku cad Xeer Lambar 14/2011 waan in Ururrada la furaa LIX bilood ka hor intaan la gaadhin muddada dhammaadka Saddexda Xisbi Qaran oo ku eeg bisha Diisambar 2022ka.

,S sidoo kaleana muddada Madaxweynaha la doortay waxa uu xilka haynayaa karaa waa SHAN sannadood, waxana waajib ah oo ay tahay, in wixii ka dembeeya xilligaas la galo doorasho lagu dooranayo Madaxweyne, iyadoo Madaxweyne kasta uu sharcigu u oggolyahay inaanuuu laba xilli keliya uu xilka hayn karo, balse wixii intaa ka wax ka badan aanu isku soo taagi karin aanu doorasho dembe  sku soo taagi karin.

Marka uu sidaa sharcigu dhigayo, ayaa waxa  muran iyo khilaaf ka dhex bilaabmay Xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumadda mar allaale markii lagu dhawaaqay in la furayo Ururrada xilliga uu jideeyey Xeer Lambar 14/2011, intaa kadibna iyadoo si loo soo afjaro khilaafkii aa siyaasiga ahaa sidii u taagan yahay, ayaa waxa ay dhawr iyo labaatan siyaasiyiin ah oo damac leh, ay codsi dacawadeed oo ay ku doonayeen maadaama la joogo waqtigeedii, in looa furo Ururrada u gudbiyeen  Maxkamadda Dasuuriga, taas oo ay ka aqbashay Maxkamadduna  codsigii dacwadooda.

Maxkamadda Dasuuriga ahi waxay soo saartay qaraar 16kii  Jeenaweri 2022ka, iyadoo dhaqaqn gelisay wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka nidaamka Ururrada iyo Axsaabta siyaasadda Xeer Lambar 14/2011, waxayna Maxkamddu laashay in Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda lagu galo doorashada Golyaasha Degaanka, waxayna jideysay in doorashada Ururrada noqoto mid toos ah oo ay qabataan Guddiga doorashooyinku.

Geesta kale Madaxweynuhu isagoo fulinaya qaraar Maxkamadda Dastuuriga kasoo baxay uu u gudbiyey Golaha Wakiillada xubnaha Guddiga furista, diiwaangelinta iyo ansixinta Ururrada, taasoo ay Mudanayaasha Golaha Wakiilladuna cod ku ansixiyeen  aqlabiyadda Guddigaasi,iyagoo fulinaya qaraarkii Maxkamadda Dastuuriga ah.

Halkaa waxa ku cad in Saddexda tiir ee uu ku taagan yahay dhismaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ay laba ka mid ah oo ka madaxbannaan Xukuumadda oo kala ah Golaha Sharci Dejinta oo aqalka Wakiillada iyo Hay’addii Garsoorka ee dalka ugu sarreysay oo ah Maxkamdda Dastuurga, ay isku raaceen furista Ururrada  iyagoo u raacaya Xeerarka dalka.

Markay arrintu sidaa u cadahay yaa sharci diid, ma Xukuumadda mise Mucaaridka, maadaama uu Madaxweynuhuna dhawr jeer ku celceliyey in doorasho walba uu qabanayo xilligeeda oo ay ku jirto ta Madaxtooyadu, ta labaad ma waxa sharci darro ah ku socda cidda diiddan qaraarkii kasoo baxay Maxkamadda 16kii Jeenaweri iyo ta Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen qeybtii ugu badnayd ee xubnaha Guddiga Diiwaangelinta iyo ansixinta Ururrada ee 2022ka, mise Xukuumadda fulisay waajibkeeda ah fulinta iyo meelmarinta shuruucda dalka? Jawaabta waxan u dhaafaynaa dadweynaha.

Waxa la joogaa waqtigii runta laysku sheegi lahaa oo ay waxgaradka reer  Somaliland iyo madaxdhaqameedku oo ay ka mid yihiin Golaha Guurtidu ay xakamaha ku qaban lahaayeen, cidda sharci ka boodka ah, isla markaana si cad oo aan warwareeg lahayn ugu odhan lahaayeen dhinac gardarran, waar jooga waad gar-darran tihiine, hadday Xukuumadda tahay iyo hadday mucaaridka tahayba, maadaama haatan midba ka kale ku ku eedeynayo sharci diid.

Xaaladda kale ee kala qeybinta, iska horkeenka iyo kala qolo-qoleynta shacbiga lagu shubayo dhegahooda, maaha xaqiiqo ahaan mid lagu sii daawan karo heerka ay marayso maanta, waxana si degdegga loogu baahan yahay, in fadhiga ay ka kacaan sidii dhaqanka innoo ahayd  waxgaradka, Madaxdhaqameedka iyo Guurtideenu iyagoo isku duuban oo isku dhan, ay cidda sharci diidka runta u sheegaan runta oo ay ku yidhaahdaan dalkan iyo dadkani, in dagaal layskaga horkeeno uma baahnee sharciga raac, isla markaana innaga xidhaan albaabada halista badan ee la doonayo in laga furo qolyaha la baxay beesha Caalamka oo la dhaqdhaqaajinayey oo aan wax kheyr ah looga baran.

Xaalku waxa uu taagan yahay CUDURKA KAA GALA FARDAHA, HADDII LAGA GUBO DAMEER DAWADA LAMA GAADHAYO EE FARTA HALLA DARO BOOGTA OO AH FURISTA URURRADA, KADIB AYAA DAWADA LA HELAYAA.

QORE:-  CABDILLAAHI  AADAN  CUMAR  ( WAYAB )

 

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS