WAJAALE NEWS

Somaliland: Badbaado Waa Udanayn Dal Iyo Shacab!W/Q;suxufi Xuseen Cali Nuur.

Jawiga siyaasadeed ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland waa mid aad uga duwan xaaladihii lagu arki jiray xammaasadda iyo xummadda ka horreysa qabashada doorashooyinka.

Xukuumadda, xisbjga talada haya iyo axsaabta mucaaridku waxay ka midaysan yihiin in doorashada la qabto-haddii Alle idmo bisha November 13-keeda. Mowqifkan midaysani waxaan filayaa inuu masraxa siyaasadeed ka saari doono muddo-xilleedyadii la kordhin jiray, inkastoo sababo kala duwan oo suurtogal ah loo cuskan jiray.

Madaxwayne Muuse Biixi waxa uu sheegay inaanu awood u lahayn muddo-kordhin, diyaarna u yahay qabashada doorashada xilligeeda, haddaannu mucaaridku carqaladayn. Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Cali ayaa isna sheegay in Madaxwaynuhu aannu diyaar u ahayn qabasho doorasho waqtigeeda dhacda, balse afgobaadsi ka tahay.

Labada dhinac waxay doonayaan in doorasho la qabto, laakiin aan daymo u yeelanno xaaladda ku gedaaman jewiga siyaasiga ah ee xilligan:

– Doorashadu waxay muddaysan tahay in la qabto xilli asxaabta mucaaridku ay aqlabiyad ku leeyihiin golayaasha degaannada magaalooyinka waaweyn iyo Golaha Wakiilladaba.

– Golaha Wakiilladu  waxa uu ansixiyey Guddiga Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda, waxana horyaalla  xubnaha loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Qaranka inuu ansixiyo.

– Ururrada siyaasiga furitaankoodii waa lagu dhawaaqay, waxana la sheegay in la qaban karo ilaa bisha siddeedaad ee sannadkan 2022.

Waa Ilaahay mahaddii in muxaafid iyo mucaarid labaduba doonayaan in doorashadu xilligeedii dhacdo, shakina igagama jiro in jawigan siyaasadeed ee cakiran xal loo heli doono mid dhaqan ama go’aan shacbi ba. Waxa se is waydiin leh;

Haddii xal la waayo laba sanno oo madaxwaynaha loo kordhiyo, maxaa dan ah mucaaridka ugu jirta? Muxuu mucaaridku uga faa’iidaysan la’yahay aqlabiyadda gobollada golayaashooda ku leeyihiin?

Ma dano gaar ah oo qarsoon ayaa masraxa siyaasadeed ka jirta oo loo baahan yahay indheer garatadu inay dadka u caddayso? Mucaaridku ma kalsooni ayaannu ku qabin taageerayaashiisa?

Waxaan leeyahay  badbaado waxay ku jirtaa u danaynta dalka iyo shacbiga, waxana lagu gaadhi karaa heshiis ama go’aan sharci oo la dadajiyo.

Exit mobile version