WAJAALE NEWS

“Xawaaladda Qurba-jooggu Waxay Kaalin Weyn Kaga Jirtaa Dhaqaalaha Dalka Jsl”

Marka loo eego Warbixinta Socdaalka Adduunka (IOM Report 2022), dadka qurbajoogga ah ama ka maqan dalalkii ay u Dhasheen ayay tiradoodu gaadhay 281 malyuun oo 3.5% ka Badan intay ahaayeen 2019 una dhiganta 3.6% mujtamaca caalamka, halka xawaaladda adduunku gaadhay 702bn bilyan ka yar 2.4% 2019, gaar ahaan wadamada soo korayana ay noqotay 540bn bilyan  ka yar 1.48%  2019 saamaynta Covid-19 Awgeed. Xawaaladda soo galaysa wadamada soo koraya ayaa la Saadaaliyay inay gaadhi doonto $5.4 tirilyan 2030, taasoo u dhigmaysa dhaqaalaha guud ee Afrika intuu marayay 2019. Ahmiyadda ay xawaaladdani u leedahay dhaqaalaha bulshada awgeed, waxay Qaramada Midoobay asteeyeen 16-ka June “Maalinta Caalamiga ah ee Xawaaladda Qoyska” (International Day of Family Remittances) sannadkii 2015, taasoo laga xuso gaar ahaan wadamada dhaqaalahoodu aad ugu tiirsan yahay xawaaladda, isla markaana ah fursad looga faa’iidaysto in laga hadlo arrimaha khuseeya, loona mahad celiyo dadka qurbajoogga ah ee usoo xawilaya lacagta dadkooda iyo danaha guud ee dalkoodaba.

Somaliland waxay leedahay qurbajoog badan oo inkastoo aan tirakoob sugan laga haynin, lagu qiyaaso ku dhawaad hal malyuun qof,  badankooduna ku dhaqan yihiin Galbeedka Yurub, Woqooyiga Maraykanka, Ustaraaliya, iyo Dalalka  Iskaashiga Gacanka. Qurbajooggani waxay wakhti dheer kaalin waxku ool ah kaga jiraan dhismaha qaranka – koboca dhaqaalaha, horumarinta bulshada, siyaasadda, hannaanka dimuqraadiyadda, ictiraaf raadinta, guud ahaan geeddi socodka horumarineed iyo inay is garab taagaan dadkooda xilliyada adag sida gurmadka abaaraha iwm.

Doorka qurbajoogga ee dalka waxaa ka mid ah kan xawaaladda lacagta oo aad usoo kobcaya illaa 2017 kadib, waxanay qayb weyn ka tahay (22%-50%) dhaqaalaha guud ee dalka oo lagu qiyaaso saddex bilyan ($3bn+). Waxaa hore loogu qiyaasay inta u dhaxaysa $500 malyuun illaa $900 malyuun (NDP II, 2017). Balse marka loo eego warbixinaha dambe ee Baanka Dhexe,  xawaaladda soo gasha Somaliland ayaa gaadhay $1.4bn bilyan 2018, halka uu Baanku diiwaangeliyay $1.3bn bilyan 2020, taasoo ka dhigan in hoos u dhaca ka dhashay saamayntii Covid-19 ee sannadkaasi noqotay 6.8%, ahna wax aad uga yar hoos u dhicii Baanka Adduunku saadaaliyay oo ahaa 20%. Ka sokow xayiraadihii (Lockdowns) cuslaa ee waddamadu soo rogeen, waxaa hadana sidii la filayay sabab u ahaa inaan is bedel weyn oo hoos dhac ku iman nidaamka xawaaladda  Somaliland, horumarka xagga dirista lacagaha ku dhisan habka fudud ee telefoonka ama elaktarooniga ah (Digitalization system and cashless money transfers) ee shirkadaha xawaaladaha ah iyo bangiyada dalku suurtageliyeen, isla markaana ay sahlayaan internet-ka iyo isgaadhsiinta ku fidsan dalka oo dhan.

Nidaamka xawaaladda ayaa ah mid soo jireen ah oo ku dhisan dhaqanka bulshada ee isku xidhnaanshaha, is xidhiidhinta iyo is taageeridda leh heer qoys iyo heer bulshaba. Waxaana xusid mudan in markasta oo si dimuqraadi iyo nabadgelyo ah ay doorashooyinku uga qabsoomaan Somaliland uu heerka imaatinka booqashada gaaban iyo soo guurista rasmiga ah, maalgashiga ganacsiyada yaryar iyo kuwa heerka dhexe, iibsiga dhulka, dhismaha guryaha iyo hantida kaleba aad u kordhaan Tusaale, xog ururin Xafiiska Qurbajooggu ka sameeyay 150 ganacsi kala duwan oo ku yaalla Hargeysa, ayaa lagu ogaaday in 97% ka mid ah meheradahaas la furay intii u dhaxaysay 2011 iyo 2017, si la mid ah dadka ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal 2018 ayaa gaadhay 133,798, tiradaas oo inta badan ah qurbajoogga dalka u dhashay maadaama oo qulqulka dalxiiska ajaanibku aad ugu yaryahay Somaliland, socdaalka ujeedooyinka kale lehina uu xadidan yahay ama waxyar ka noqonayo tiradaas.   .

[[Inkastoo aan si rasmi ah loo daraasayn, waxaa lagu qiyaasaa in 30% lacagta xawaaladda loo soo diro ujeedooyin maalgashi ganacsi iyo sii-horumarin ganacsi, halka dhammaan inta kalena tahay xawaaladda qoyska ee baahiyaha nolosha sida cuntada, caafimaadka, waxbarashada iwm. magaalada iyo miyigaba.

Waxaan sidoo kale la dafiri karin, in xawaaladdan qurbajooggu udub dhexaad u tahay shaqada shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada dalka oo iyaguna ah aag shaqo abuur ballaadhan oo kumanaan muwaadin ka hawlgalaan gudaha iyo debadaba.

Haseyeeshee, dadka ugu badan ee illaa hadda lacagtan usoo xawila ehelkooda iyo ujeedooyinka danta guud ba, waa jiilashii koowaad (1st generations) ee iyagoo dad waaweyn ah ka tegay dalka, waxay taasi markaa u baahan tahay in dadaal badan immika la geliyo jiilasha soo koraya ee qurbaha ku dhashay ama iyagoo carruur ah la dhoofiyay (2nd and 3rd generations) si loo dhaxal siiyo inay sii wadaan kaalinta waalidkood ee xidhiidhka dalka, waana masuuliyad aanay  waalidka oo kaliyi waxka qaban karin ee u baahan in laga yeesho siyaasad qaran oo la fuliyo iyo barnaamijyo ku habboon oo laga wada shaqeeyo.

Sidoo kale, waxaa lagama maarmaan ah in la qorsheeyo habab faa’iido wadareed leh oo looga faa’iidaysan karo qulqulka xawaaladdani muddada ay jirto ee weli jiilashii koowaad wax soo dirayaan. Qurbajoog badan oo ay ka mid yihiin dad gaadhay xilligii hawlgabka shaqo, ayaa jecel inay usoo guryo-noqdaan dalkooda ama iyagoo maqan ba wax soo maalgashadaan, kuwaasoo raadinaya fursado habaysan ama abaabulan (Well-regulated investments) oo la aamini karo, ay ku darsadaan woxoogaaga ay hayaan oo wax uga soo noqon karaan, si culayska xawaaladduna uga yaraado. Qaarbaa marar badan isku daygooda gacmo khaldan ku hagaaga oo khasaare soo gaadhaa.. Fursadihi la maalgashan lahaana way ka jiraan dalka, waxaase loo baahan yahay in la qorsheeyo, lana diyaariyo hannaan dhiirrigelinaya oo lagu kalsoonaado.

Gebogebadii, waxaan hambalyo iyo bogaadin la wadaagayaa qurbajoogga jaalliyadaha Somaliland iyo guud ahaan shacabka.Somaliland Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xawaaladda Qoyska 16-ka June 2022 awgeed.

Allaa Mahad Leh

Xasan Axmed Yuusuf

Xafiiska Qurbajoogga, WADIC JSL

hassanafgaab@gmail.com   Tell: 4826155/9735372

Exit mobile version