WAJAALE NEWS

Masiibadii Laga Dhaxlay Midnimadii Somaliland Iyo Somalia!

Midnimadii fashilantay ee dhexmartay Somaliland iyo Somalia 1960 waxaa laga dhaxlay masiibo lama illaawaan ah oo ay sabab u ahayd dawlad ku salaysnayd Somaliweyn fawdo ah oo dal iyo dawlad aan la kala lahayn oo muwaadinkii laga dhigay qaxooti, qaxootigiina laga dhigay muwaadin ka qaybgalay xasuuqii iyo burburkii ka dhacay Jamhuuriyadii burburtay ee Somalia.
Waxaa laga dhaxlay xukuumado ku dhisan qabyaalad ka xoog badatay wadaninimadii iyo qiimahii dawladnimada taas oo keentay in Gobolladii Waqooyiga (Somaliland) laga duudsiyo saamigii ay ku lahaayeen dawladnimada lana qiimaynwaayay midnimadii ay keeneen,
Markii ay cadaalad-xumada iyo duudsiga ka cawdeeena, siiba dadka Isaaqa, waxaa la geshay gumaysi aad u fool xun oo ku salaysan qabyaalad waxaana lagula kacay tacadiyo badan sida dil, xadhig, kufsi, boob, baad, bandoo, masaafurin iwm.
Markii la aasaasay Jabhaddii Hubaysnayd ee SNM (1981) si dadka iyo dalka looga badbaadiyo dulmiga ku habsaday ee qabyaaladda ku salaysnaa, waxaa laga bilaabo 1984 tartiib-tartiib maamulkii, amnigii iyo milatarigii goboladii iyo degmooyinkii Isaaqa gacanta loo geshay dad aan u dhalan dhulkaas si loogu sandulleeyo shacabka xukunkii Taliskii Siyaad Barre. Gudoomiyayaashii gobollada, taliyayaashii ciidamada milatariga ee qaybaha, gaasaska, guutooyinka iyo inta badan ururada, booliiska, nabad-sugidda, maamulkii hay’adaha dawladda iyo duuliyayaashii diyaaradaha dagaalka waxaa markii dambe 80-85% laga dhigay qabiilkii guud ee Siyaad Barre, inta kalena waxay ahaayeen dad daacad u ahaa xukunkii kelitaliye Siyaad Barre oo ku qabay dano gaar ah. Waxaa lala dagaallamay dhaqaalihii siiba ganacsigii iyo gaadiidkii rayidka ahaa ee Isaaqa oo qaybo ka mid ah gacanta loo geshay beelo kale, waxaa taysarayaal aqoonsi la siiyay qaxootiyadii si dhulka loola
sheegto dadkii lahaa. Eeg Warqadii Geerida Ee Gummaadka Isaaqa: http://www.longlivesomaliland.com/letterofdeath_by_general_morgan.htm.
Markii SNM wiiqday ciidamdii laxaadka lahaa ee joogay Gobolladii Waqooyi iyo kuwii Koonfurta (Somalia) sida joogtada ah looga soo daabulijiray, waxaa dadka Isaaqa lagu qaaday duullaankii weynaa ee bilowday 1988 oo loo abaabulay qaab qabiil laakiin dadka lagu dagaalgelinjiray wadaninimo been ah si ay uga qaybgalaan dagaalkaas ku dhisnaa nacaybka qabiilka, waxaana loo geystay gummaad, burburin iyo barakicin aan weli soo marin taariikhda Somalida kana baxsanaa Islaamnimada, Somalinimada iyo insaaniyadda iyada oo loo adeegsanayo diyaaradaha dagaalka, taangiyada, madaafiicda, BMka iwm, oo xataa shacabkii oo u badnaa hooyooyin iyo caruur oo u sii qaxaya Itoobiya inta diyaarado dagaal laga dabageeyay lagu laayay. Eeg Diyaaradaha Dagaalka Ee Lagu Burburiyay Hargeisa, Lagu Xasuuqay Shacabkii Magaalada, Laguna laayay Maatadii U Sii Qaxaysay Itoobiya: https://www.facebook.com/mixmedianewsproduction/videos/1934384873379860/.

Dukmantiyada ay ururada u dooda xuquul insaanka ka diyaariyeen dagaaladii Taliskii Siyaad Barre ku qaaday Dadka Isaaqa iyo sida uu ugu hubeeyay qaxootigii ka yimid Somali Galbeed kadib dagaalkii 1977. Warbixinta arrintaas oo dhan halkan ka akhriso: https://en.wikipedia.org/wiki/Isaaq_genocide
Dadka shacabka ahaa ee la xasuuqay waxaa lagu qiyaasay: 50,000-100,000, dadka u qaxay Itoobiya waxay tiradoodu dhammayd: 450,000, dadka ka qaxay magaalooyinka waaweyn ee ku barakacay dalka gudihiisa waxay tiradooda lagu qiyaasay: 500,000 (Kuma jiraan dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee awalba deganaa miyiga iyo tuulooyinka la xidhiidha, Hargeisa waxaa la burburiyay 90%, Burcana waxaa la burburiyay 70%.
Waa taas dhaxalkii midnimadii 1960. Masiibada intaas le’eg waxaa geystay oo sabab u ahaa qabyaaladda oo ku noqotay carqalad iyo halaag inay hirgasho dawladnimo Somaliyeed oo wanaagsan. Caqliga Somalida markaad eegto, maanta ayay aad uga sii xuntahay qabyaaladu 1960. Sidaas daraadeed, cidkasta oo wadaagta taariikh gumaysi, xornimo, xuduud-dhuleed iyo calan waa inay qaranimadeeda, dawladnimadeeda iyo dhulkeeda u tashato oo ilaashato. Qabyaalad awageed, Somalidu ma wadaagikarto midnimo iyo dawladnimo, lamana garanayo waqtiga qabyaaladda Diinta Islaamka ka xoog weyn ee la isku baabi’iyo ay ka baxayso Somalida.
Maslaxadu waxay ku jirtaa inay Somalidu kala noqoto dawlado iyo dalal kala madaxbanaan sida Carabta. Sida Carabweyn u fashilantay ayay Somaliweyna u fashilantay. Sida Carabtu u kala leedahay dalalka iyo dawladaha ayaa Somaliduna u kala leedahay dalalka iyo dawladaha. Sida Somalida, Carabtu waa isku Diin, af, midab, dhaqan, caado iwm laakiin waxaa midkastaba u diiday inay midoobaan oo heshiiyaan qabyaaladda sida Somalida. Carabta cad waa ilaa 18 dal, Somaliduna waa 5 dal. Ninka u dhashay Jordan ama Ciraaq sharci la’aan ma gelikaro ama jago/shaqo kama helikaro Masar ama dal kale oo Carbeed sababta oo ah uma dhalan. Masar iyo Suuriya ayaa midoobay 1958 waxayna midnimadaasu burburtay 1961. Dalkasta oo Carbeed isaga ayaa leh xuduudiisa ku salaysan xuduudihii gumaysiga, dhulkiisa iyo dawladnimadiisa, Somaliduna kama duwana.
Ummadda Somaliland waa inay ku mintidaan qaranimadeeda, dawladnimadeeda iyo dhulkeeda oo ay ka digtoonaataa Somalinimo jacayl afka baarkiisa ah oo la isku beerlaxawsado dabadeedna laga dhaxlo xasuuq, burbur iyo barakicin dambe. Waa inay ka digtoonaataa erada la isku hodo sida: Dib-u-heshiisiin, madaxweynaha qaata, Hargeisa ayaa laga dhigayaa magaala madaxda, waxaanu ka xunahay wixii dhacay, lama kala maarmo iwm. Waxaa laga hadlayaa waa qadiyad iyo aayo ummad ee maaha jagooyin si fudud la iskaga duudsinkaro iyo in marlabaad lagu dhaco shabaq dulmi-midnimo oo aan laga soo bixikarin.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay ahayd dal xor oo la aqoonsaday Bishii June 26,1960 iyada oo Somalia weli ku jirto gumaysigii Talyaaniga. Xuduudaha Afrika, Asia iyo Koonfur Ameerika kuma dhisna hayb, isir ama qabiil balse waxay ku dhisanyihiin dhulka. Dalkasta oo Afrikaan ah waxay qaranimadiisu, dawladiisu iyo aqoonsigiisu ku dhisanyahay xuduudihii dhulka ee laga dhaxlay Gumaysigii Yurub. Xuduudaha Somaliland, Somalia, Itoobiya, Jabuuti, Kenya iwm waa isku mid xagga shuruucda caalamka oo midna laguma xad-gudbikaro, waana xuduudaha laga dhaxlay gumaysiga ee aan la bedelikarin.
QALINKII; Ibrahim Hassan Gagale
June 16, 2022

Exit mobile version