WAJAALE NEWS

Aadaabta Islaamka Ka Hor Raaxada Lammaanaha!!

Marka sayga iyo ooridu si fiican ugu diyaargaroobaan Raaxada (galmada) siiba xagga nadiifinta jidhka iyo udgoonaynta waa Inay ku dhaqmaan oo raacaan asluubta Islaamka inta aanay Samayn hordhaca raaxada (hammad-kicinta ama hordhaca Galmada – Foreplay) ama raaxada lafteedaba. Asluubta Islaamka ee la rabo in lagu dhaqmo ka hor hordhaca raaxada Iyo galmada lafteedaba waxaa ka mid ah:-

FAHMIDDA GAARNIMADA GALMADA: Waxaa aad iyo aad muhiim u ah in sayga iyo ooriduba fahmaan in galmo-samayntu tahay arrin gaar ah oo sir u ah labadooda. Sidaas daraadeed, waa inay hubiyaan inay keli ku yihiin qolka marka ay samaynayaan hordhaca galmada ama galmada lafteedaba oo aanay la joogin cid kale. Waa inay iska xijaabaan ama iska ilaashaan xataa khaawisaadda dadka waaweyn iyo carruurtaba. Waxaa kale oo muhiim ah in albaabka qolkoodu uu si fiican u xidhanyahay si aan qofna uga soo dul dhicin ama si kedis ugu soo gelin. Waa inay hubiyaan in daaqadaha qolkoodu wada xidhan yihiin isla markaana daahyadu si fiican u sii deysanyihiin si aan qofna ama jaarku u arkin. Shareecada Islaamku aad ayay uga soo horjeedaa una cambaaraysaa muujinta ama bandhigidda galmada dadka hortiisa, taas oo ah dembi culus iyo macsi. Waa waajib Diini ah in dadka laga qariyo qaawanaanta qofka. Runtii, waa sharcidarro waana dembi fool xun in galmo lagu sameeyo meel laga arkikaro.

KA FOGAANSHAHA SANQADHA IYO CODKA: Waxaa muhiim ah in lammaanuhu codkooda qariyaan waqtiga hordhaca raaxada iyo waqtiga galmadaba si aan dadku u maqal. Sidaas oo kale, sayga iyo ooriduba waa inay ka fogaadaan sanqadha marka ay ku jiraan raaxada si aan loo maqal. Aadaabta galmada ee Islaamka ayaa ay ka mid tahay in lammaanuhu ka fogaadaan iskana ilaashaan hadalka badan waqtiga ay ku jiraan hordhaca galmada iyo galmada lafteedaba.

Shareecada Islaamku ma ammaanto hadalka marka lammaanuhu ku jiraan galmada sababta oo ah waa kulan qarsoodi ah oo u gaar ah sayga iyo oorida. Sida ay makruuh u tahay in lagu hadlo musqusha, ayaa la diidan yahay oo ay makruuh u tahay in lagu hadlo galmada kaas oo dadka dibeddu dareemikaraan ama maqlikaraan. Hadal hoose lammaanuhu waa wadaagikaraan oo aanay maqlayn dadka dibadda kuna eg naftooda.

REEBANAANTA IN LABA XAAS HAL QOL LA ISKUGU KEENO: Haddii nin qabo laba haween ah, waxaa xaaraan ah inuu hal qol oo qudha marba mid kula sameeyo hordhaca galmada (hammad-kicinta) iyo galmadaba iyaga oo qaawan oo is arkaya ama is-daawanaya. Shareecada Islaamku ma oggola arrintan xataa haddii labada haweenba raalli ka yihiin, waana dembi in midkastaba aragto midda kale oo qaawan ama lala samaynayo galmo. Sababta kowaad waxaa weeye inaan la oggolayn in haweeney aragto qaawanaanta ama cawrada haweeney kale xataa haddii la wada qabo.

Cabduraxmaan Abu Sacad Al-Khudri (R.C) waxaa uu ka soo xigtay Aabbihiis (R.C) in Rasuulka Ilaahay (S.C.W) yidhi: “Nin waa in aanu arkin xubinta taranka ee nin kale, haweeneyna waa in aanay arkin xubinta taranka ee haweeney kale. Nin waa in aanu nin kale la jiifsan oo wax wada huwan, haweeneyna waa in aanay haweeney kale la jiifsan oo wax wada huwan.” (Saxeex Muslim 338, Sunanka Abu Daawuud 4018, Saxeex).

Cabduraxmaan Abu Sacad Al-Khudri (R.C) waxaa kale oo uu ka soo xigtay Aabbihiis (R.C) in Rasuulka Eebbe (S.C.W) yidhi: “Haweeney ma eegikarto qaawanaanta ama cawrada haweeney kale, nina ma eegikaro qaawanaanta ama cawrada nin kale.” (Sunanka Ibnu Maaja 661, Saxeex).

Sababta labaad waxaa weeye in galmadu tahay arrin u gaar ah labada (2) qof ee samaynaya oo qudha maadaama Shareecada Islaamku reebayso in sayga iyo ooridu uga sheekeeyaan arrimaha galmadooda dadka kale ama qof seddexaad, arrintaas oo ah sharcidarro, dembi, iyo anshax xumo haddii la sameeyo. Sayga iyo oorida waxaa labadaba ka reeban ama xaaraan ka ah inay fidiyaan sirta waxa labadooda ku dhexmara sariirta. Xaqiiqdii, waa arrin sharcidarro ah in la fidiyo, laga sheekeeyo, ama la ogaado sirta galmada laba (2) qof dhexmarta oo is- qaba. Sidaas ayay xaaraan ku tahay in hal (1) qol la iskugu keeno laba (2) xaas ama wax ka badan oo midkastaba arkayso qaawanaanta midda kale ama sirta galmadeeda ee lagu samaynayo horteeda iyada oo qaawan.

Abu Sacad Al-Khudri (R.C) waxaa uu soo weriyay in Rasuulka Ilaahay (S.C.W) yidhi: “Ilaahay hortiisa waxaa Maalinta Qiyaamaha dadka ugu xun ka mid ah ninka ooridiisa la sameeyo galmo iyaduna la samayso dabadeed ka war-sheekooda waxa ku dhexmara sariirta.” (Saxeex Muslim 1437, Buluuq Al-Maraam 1017, Saxeex).

.ISKA ILAALINTA CARRUURTA: Waxaa anshaxa iyo aadaabta Islaamka ee galmada ka mid ah in la iska ilaasho carruurta xilliga hordhaca raaxada iyo galmadaba. Diinta Islaamku waxaa ay reebaysaa ama mamnuucaysaa in hordhaca raaxada ama hammad-kicinta iyo galmada lafteedaba lagu sameeyo carruuurta yar-yar hortooda oo aan weli qaan-gaadhin balse gaadha da’da wax kala garashada isla markaana fahmaya waxa dhexmaraya labada waalid.

Waalidka sameeya galmada iyada oo carruurtooda yar-yar arkayso waxaa ay ku kacaan gefweyn iyo mas’uuliyad-darro iyaga oo u haysta in aanay carruurtu fahmayn. Arrintanu waxaa ay saamayn xun ku yeelankartaa carruurta xataa haddii aanay fahmayn macnaha galmada sababta oo ah waxaa ay carruurtu abuur ahaan ku daydaan waxaa ay ka arkaan dadka waaweyn oo samaynaya. Sidaas daraadeed, waxaa reeban ama mamnuuc ah in waalidku galmo ku sameeyo carruurta yar-yar ee aan weli qaan-gaadhin hortooda.

Islaamku waxaa uu ka soo horjeedaa wax kasta oo akhlaaq xumo ama anshax xumo laga qaado sida galmada la bandhigo ama aan la qarin iyo wixii la xidhiidha galmada sida salaaxidda taas oo lagu sameeyo dadka ama carruurta hortooda. Galmada iyo arrimaha la xidhiidha sida salaaxidda oo aan laga qarin carruurta balse lagu horsameeyo waxay aad uga soo horjeedaa anshaxa, xishoodka, iyo asluubta Islaamka.

Waalidku waa inuu carruurta baraa xilliyada ama waqtiyada u gaarka ah waalidka ee aan loo soo gelikarin fasax la’aan ama idan la’aan sida ku cad Qur’aanka Kariimka ah si aanay u arag cawrada waalidka. Waalidku waxaa uu leeyahay seddex (3) waqti ama xilli oo gaar u ah, kuwaas oo kala ah: Waaga hore (Fajriga), duhurka iyo cishaha ka dib. Carruurta aan qaan-gaadhin looma oggola inay soo galaan qolka waalidka iyaga oo aan weydiisan idan ama fasax inay soo galaan seddexdan xilli ama waqti. Carruurta aan qaan-gaadhin loolama jeedo ilmaha sebiga ah balse waxaa loola jeedaa kuwa fahmikara waxa ay samaynayaan labada waalid xilliga hordhaca raaxada iyo galmadaba.

Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Kuwa Allaah iyo Rasuulka rumeeyow! Waa in kuwa gacantiinnu hantido iyo carruurtiinna kuwa aan weli qaan-gaadhin idin weydiistaan idan (fasax inta aanay soo gelin qolka waalidka) seddexda waqti ee kala ah: Salaadda Subax ka hor, marka aad dharka iska dhigtaan ee hadhsiimada duhurka ku jirtaan (oo la nasto), iyo kadib Salaadda Cishaha. Saddexdan waqti waa waqtiyo gaar idiin ah (waalidka). Waxaan saddexdan waqti ahayn idinma saarna dembi idinka iyo iyagaba (carruurta) inaad isu timaadaan (idanka oo isu adeegaya). Sidaas ayaa Ilaahay idiinku caddaynayaa Aayadihiisa oo Ilaahay waa Cilmi- Badane, Xikmad-Badan.” [Suuradda An-Nuur, Aayadda: 58aad].

Carruurta waaweyn ama qaan-gaadhka ah waa dembi culus in lagu horsameeyo galmo. Sidaas daraadeed, iyaga waqtina ama xillina looma oggola inay galaan qolka waalidka idan la’aan ama amar la’aan.

Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Oo marka carruurtiinnu qaan- gaadhaan, ha idin weydiistaan idan sida kuwii ka horreeyay ay idan u weydiisteen (carruurta qaan-gaadhka ah waqtikasta waa inay iyagu weydiistaan fasax ama idan ay ku soo galaan qolka waalidka). Sidaas ayaa Ilaahay idiinku caddaynayaa Aayadihiisa, oo Ilaahay waa Cilmi-Badane, Xikmad-Badan.” [Suuradda An-Nuur, Ayaadda: 59aad].

Cumar Ibnu Khaddaab (R.C) waxaa uu sheegay: “In ilmihiisa qaan-

gaadhay xagga da’da aanu u oggolayn inay qolkiisa soo galaan amar la’aan

marka uu ku jiro.” (Al-Adab Al-Mufrad 1058, Saxeex).

ASTURAADDA KITAABKA QUR’AANKA KARIIMKA AH IYO KA JEESIGA QIBLADA: Aadaabta Islaamka ee waqtiga galmada waxaa ka mid ah in meel lagu asturo ama lagu daboolo Kitaabka Qur’aanka Kariimka hadduu saran yahay meel laga arkikaro. Qur’aanka Kariimka ah oo ah Qawlka Ilaahay (S.W.T) waxaa uu markasta mudanyahay xushmo iyo ixtiraam. Waxaa kale oo aadaabta Islaamka ka mid ah inaan sayga iyo ooridu u jeesan xagga Qiblada (Kacbada) waqtiga galmada iyaga oo qaawan si loo ixtiraamo loona xushmeeyo Qiblada Kacbada. Culimada Islaamka waxay isku waafaqsanyihiin inaan loo jeesan xagga Qiblada (Kacbada) waqtiga galmada lammaanaha is-qaba. Dembi maaha laakiin waa arrin makruuh ah.

(Casharka waxaa laga soo qaatay Buugga: HAGAHA NOLOSHA ISLAAMKA Ee Guurka iyo Qoyska)

Qore: Ibrahim Hassan Gagale

June 22, 2022

Exit mobile version