Qaar Kamida Culimada Somaliland Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaadeed Ee Dalka Ka Jira Iyo Arimo Kale Oo Xaasaasi Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaar Kamida Culimada Somaliland Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaadeed Ee Dalka Ka Jira Iyo Arimo Kale Oo Xaasaasi Ah.
June 24, 2022 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)- Qaar kamida culimada waa-weyn ee dalka, Iimaam-yada Masaajida iyo Maqaamyada, ayaa kulan balaadhan oo Alle Barri ah oo ay iskugu yimimaadeen magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay bulshada reer Somaliland Ilaahay uga baryeen inuu ka dulqaado, abaaraha baahsan ee dalka hadheeyey, quluubtoodana mideeyo oo uu khilaafaadka iyo wixii nabadgalyadooda iyo jiriraabkooda waxyeelaaya ka fogeeyo.  Kulankan ayaa sidoo kale waxay kasoo saareen baaq culus oo ku saabsan guud ahaan xaalada cakiran ee dalka, gaar ahaana muranka iyo khilaafka siyaasadeed ee xisbiyada iyo xukuumada iyo sidoo kale sixir-bararka iyo abaaraha.

Culimadan ayaa waxa ay fariin culus u dirtay Gudida loo xulay inay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku khilaafsan doorashada, waxaanay gudida ku dardaareen inay sida ugu haboon ee ugu cadaali-san ku dhexgalaan labada dhinac oo aanay dhinacna u xaglin. Sidoo kalena waxay xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka ahba kula dardaarmeen inay aqbalaan go’aanada iyi suluxa ay soo saarayaan Gudida dhexdhexaadinta ee hawshooda gacanta ku haysaa. Culimadan oo ku kulankoodu ka qabsoomay Masaajidka Sheekh Nuur Maxamed ee ku dhexyaala xarunta qudbiga Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa, ayaa waxay ay halkaasi kasoo saareen culimadani baaq mugle oo nuxurkiisu ahaa lix qodob oo kala ah:

  1. In la toobadkeeno oo Ilaahay loo noqdo, isla markaasina la Alle baryo.
  2. In Amniga la ilaashado.
  3. In qabyaalada xub laga hortago.
  4. In cadaalada la ilaaliyi.
  5. In suluxa la qaato, laysuna tanaasulo.
  6. In la taakuleeyo oo xaaladooda hoos loo eego bulshadeena reer miyiga ah ee abaarta ba’ani hayso.

Kulankan ayaa waxa ay culimadu ku go’aansatay in Alle barriga iyo usi imaatinka culumadu uu sii socdo oo la joogteeyo. Gunaanadkii kulankan ayaa culimadii kasoo qayb-gashay ee halkaasi warbashinta kula hadashay, waxa kamid ahaa, Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab, Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi, Sheekh Axmed Dhimbiil Guuleed, Sheekh Axmed Caabi Cabdi, Sheekh Axmed Ismaaciil, Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS