Wasiirka Ciyaaraha Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Garoomo Tiro Badan Oo Dawlada Hoose Ee Gabiley Ka Hirgalisay Arabsiyo Iyo Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Ciyaaraha Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Garoomo Tiro Badan Oo Dawlada Hoose Ee Gabiley Ka Hirgalisay Arabsiyo Iyo Gabiley.
June 25, 2022 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Wasiirka wasaarada ciyaaraha somaliland oo ay weheliyaan badhasaabka gobolka gabiley ,iyo maayara magaalada gabiley oo ay weheliyaan xildhibaano katirsan golaha deegaanka ayaa xadhiga ka jaray garoonka kubada cagta oo magaalada arabsiyo ay ka hirgalisay dawlada hoose ee gabiley .

Sidoo kale wasiirka ciyaaraha iyo maamulka gabiley ayaa xadhiga kajary goroomo kubada xagta oo dawlada hoose ee gabiley kahirgalisay dugsiyada waxbarasho ee gabiley iyo garoonka kubada kolayga.

Waxaana ka warbixiyay mashaariicdan ay hirgaliyeen maayarka magaalada gabiley iyp xildhibaano deegaanka ah oo ka waramay uhiimada ay ciyaaruhu uleeyihiin.

Dhanka kale wasiirka ciyaaraha ayaa ka hadlay mashaariicdan ay hirgalisay dawlada hoose ee gabiley.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS